BAAQ: Xalada Abaaraha KG oo ka sii dareyso

0
Saturday February 17, 2018 - 19:44:49 in Sawirada isbedbedelaya by Xisbiga Tiir
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAAQ: Xalada Abaaraha KG oo ka sii dareyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BAAQ: Xalada Abaaraha  KG  oo ka sii dareyso
__
BAYDHABO JANAAY OO ISU BADASHAY XERO BARAKACAYAAL,  3000 XERO OO LAGA FUREY .
-------------------
Waxaan ka digey 3bil kar hore, in ay soo socoto musibo  qaran.

Ku dhawaad Shan Kun {7000} oo Barakacayaal ah ayaa Magaalada Baydhaba ku soo jabay oo xilligaan ku sugan, nasiib darro waxaa laga soo guurey Tuulooyinka oo idil, cabsi waxaa laga qabaa Shacabka Koonfur Galbeed oo dhan inay wada noqdaan Barkacayaal noloshoodu ay ku tiirsan #Gacan_Hoorsi.

Mushkiladaasi ka sakow waxaa murugo leh oo iyana wax laga xumaado ah in gabi ahaanba la xertay biyaha Wabigii Shabeelle oo in badan oo ka mid ah ummadda Koonfur Galbeed ay ku dhisneyd noloshooda.

Wali ma fahmin waxa ay hayaan Dawladda Koonfur galbeed, Xildhibaanada Federaalka iyo Senatorada ka soo jeedo Goboladaasi oo haatan intooda badan isu badalay .Xerooyinka Barakacayaasha.

Baydhaba oo kaliya waxaa ka jira 70 NGO, howsha ugu weyn ee ay hayaan waa sidii ay dadka u keeni lahaayeen Magaalada Baydhabo gudaheeda si looga soo barakaco dhulkii wax soo saarka lahaa, macno ahaan hadafka laga leeyahay arintaasi ayaa ah sidii dadkaasi looga dhigi lahaa kuwo ku tiirsan mucaawino oo aan shaqeysan Karin.

Xaqiiqdii shacabka K/Galbeed waxaa ku socdo dhaqan rog aad u baahsan, sida laga dheregsan yahay Koonfur Galbeed waxay eheyd hoyga laf dhabarka wax soo saarka Soomaaliya, maanta-na waxaa loo wadaa in laga dhigo hoyga Ga-rgaarka.

Waxaan u jeeda Maamulka Koonfur balbeed, iyo Xildhibanada federaalka  iyo Sanatarada ka soo jeedo KG in gabeyboodka , ay gabeen waa jibaadkooda, loona bahanyahye in lala XISAABTAMO.

Caano daatey dabadooda ayaa la qaban jirey sidaasi daraadeed waxaa qabaa in loo sara istaago sidii arimahaan jira wax looga qaban lahaa si ay Baydhabo janaay iyo Magaalooyiinka kale ee K/Galbeed ay dib ugo soo ceshtaan kaalintii ay ku lahaayeen waxtarka Magaalooyinka Soomaaliya.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip