Himiladda Xisbiga

  1. Dhowrista madaxbanaanida iyo siyaadada Dalka Soomaaliyeed.
  2. Dhiiri gelinta siyaasad dhex-dhaxaadka ku dhisan, sare u qaadidda soomaalinimada iyo islaamnimada.
  3. Abuuridda mabda’a sareeynta shacabka ayagoo waakiilanaya Dowlad Dimuquraadi cadaalad iyo xaqiijinta sinaan ka dhaxeeysa muwaadiniinta, gobcinta garaadka dhalinyarada si loo helo bulsho xadaarad leh oo u taagan ka shaqeeynta aayaheeda.
  4. Horumarinta bulshada dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
  5. Ciribtirka musuqmaasuqa, madiidsiga iyo dagaalka qabyaaladda ee laga soo miinguuriyay casrul-jaahiliga si loo helo bulsho ilbax ah iyo dowladda cadaaladda bulshada u adeegto.