Xaalufka Ba'an iyo Dhibaatooyinka lagu hayo Dhirteena

0
Monday February 12, 2018 - 16:21:20 in Sawirada isbedbedelaya by Xisbiga Tiir
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalufka Ba'an iyo Dhibaatooyinka lagu hayo Dhirteena

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalufka Ba’an iyo Dhibaatooyinka lagu hayo Dhirteena

…dadka mu”miniinta ah inay beeraan dhulka kuna tallaalaan dhirta ayna xanaaneeyaan, 

Ugu danbeyntii waxaa islaamku xarrimay in geed la gooyo ama la dhaawaco iyadoo aan laga lahayn dan iyo manaafacaadsi haddii loo goynayo manaafacaadsina waxaa islaamku farayaa in aan la rujinin geedkaas ama aan la gumaadin ee loo gooyo si uu mar kale u soo bixi karo…

Intaa ka dib maqaalkan ayaa waxaynu ku soo qaadanaynaa xaalufinta iyo gumaadka lagu hayo dhirta ku taala wadankeena Somalia, faa’iidooyinka dhirtu u leedahay nolosha bini’aadamku, gaar ahaan dadka ku nool wadamada soo koroya ma aha mid la soo koobi karo, waxaana ka mid ah daaqa, hadhka, dhuxusha/xaabadda, qoryaha guryaha lagu dhisto, daawooyin, cimilada iyo qaar kale oo fara badan, nooluhuna waxaa uu u qaybsamaa labo qaybood oo kala ah dhirta (Plants) iyo xayawaanka (Animals). Qaybta Dhirta ayaa ah aasaaska nolosha xataa cuntada sameyska ah waxaa laga dhexlay sameynta Borotiin laga quudiyo xoolaha nool, iyadoo la adeegsanaayo hab kimikada la mid ah, kan ay dhirtu cunadeedu ku sameysato, s

idaas awgeedna waxaa dhirtu caalamka u aqoonsaday in ay tahay warshada cuntada adduunka. 

 Si kale hadaan u dhigno dhirtu waa isha koowaad ee laga helo tamarta amase qaybiyaha guud ee tamarta. 

Qaybaha cunatada ee jirkeenu u baahan yahay waxaa ka mid ah Kaarboohaydataytka (carbohydrates), borootiinka (proteins), baruurta (fats), fitamiinada (vitamins), macdanta (minearls), iyo waxyaabo kale oo soo raaca. 

Kuwaas oo dhamaantood laga maarmaan ah, si looga helo tamarta, ama quwada aynu ku socono iyo koritaanka qofku korayo , isla markaana dhir la’aani waa nolol la’aan. 

Marka aynu dadka dib u eegno waxa ay ku cunteeyaan oo dhan waxay u kala kacaan labo qeybood uu dhirta toos ugu qaato oo ah midhaheeda, caleenteeda,xididadeeda,xabagteeda iyo qeybaheeda kala duwanba, qeybta labaad wuxuu ka qataa xayawaanka hilibkiisa caanihiisa, subagiisa iyo manaafacaadkooda, sidoo kale xayawaanka laftiisu wuxuu ku cuno waxay u noqonaysaa dhirta.

Hadaba waxaa iyadana adduunka si weyn looga xusaaa maalinta dhirta aduunka oo ku beegan sanad kasta 17-April lagana hadlo in laga qayb qaato horumarinta dhirta ,,layskuna booriyo in geedo badan laga beero gudaha iyo dibadba ,kuwii hore u jireyna la ilaaliyo , cid kastaana ay xooga saarto sidii wax looga qaban lahaa dadka caadaystay iney dhirta xaalufiyaan oo dhuxul ka sameeyaan,iyadoo iminka meello badan oo ka midda Somalia  ay socoto xaalufin balaadhan oo lagu hayo dhirteenii aynu hodanka ku ahayn,isla markaana aan la helin weli cid si toosa  wax uga qabata, marka laga reebo xaflado iyo arimo wacyi-gelineed oo haayaddo maalgeliyaan,iyadoo aan ognahay in dhirtu tahay saldhigga nolosha nafleyda oo dhan , wax kasta oo ku uuman dhulka korkiisa, nolashoodu waxay ku xidhan tahay dhirta.

 1)  waxa jira xadiisyo dhowr ah oo ka hadlaya arrinkan,  in qof kasta oo dhulka wax ku beera ama ku talaala in uu ilaahay ka ajar siinayo.

 2}qofka beerayda ah markuu gacanta ku qabto abuur isagoo joogo gurigiisa waxaa u dhawaaqa malag oo yidhaahda dalool  waxaa leh beerta,daloolna waxa iska leh shimbiraha,daloolna waxaa leh bahaa”imta, haddii uu abuurka ku rido dhulka waxaa  loo qoraa halkii xababa 10 xasanadood haddii uu waraabiyo oo uu soo dhasho abuurkuna wuxuu la mid yahay qof nooleeyey,  halkii xabo badalkiisa ruux mu,min ah oo ilaahay u tasbixsanaya ilaa laga gooyo wuxuu la mid yahay qof noleeyay halkii xabo  badalkiisa bartaas,

 3)Markii uu gooyo oo uu shiidana wuxuu la mid yahay, isagoo denbigiisa la shiiday,markuu dabaysha ku babiyana denbigiisa   duula,markuu uu beegana wuxuu ka baxaa dunuubtiisii oo idil oo kala mid noqodaa sidii malintii ay hooyadii dhashay oo kale   markii uu la tago guriga oo ay caruurtu ku farxaana waxaa loo qoraa 40 sano cibaadadood,

 Haddii uu  wax ka siiyo qof baahan, deriska iyo masaakiintana waxaa ilaah ka badbaadiyaa cadaabkiisa.

 4}qofkii talaala 3 geed timireed oo dhaqaaleeya ilaa ay ka midha bixiso waxaa uu waajibtay janno.

 5}haddii qiyaamadu ay kacdo oo mid idin ka mid ahna gacan uu ku hayo laan haddii uu karo in uu talaalo ha tallaalo.

 6} qofkii dhul leh ha abuuro(Beerto) ama ha siiyo walaalkiis.

 7}qofkii dhul angeganaa nooleeya isagoo ilaahay ku kalsoon ajar doona ah , waxaa ilaahay xaq ku ah inuu u kaalmeeyo una barakeeyo.

Waxaa la sheegay inuu yidhi kacab axbaar 

Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri

 ilaahay wuxuu soo dajiyey 99 barako wuxuu yeelay beeridda 98 barako,hal hadhayna uu yahay ganacsiga .

Axaadiistaas oo idil waxaad ka arkaysaa rasuulkeenii suubanaa 

Muxammed (SCW)

 inuu si cad ugu tirtirsiiyey dadka mu”miniinta ah inay beeraan dhulka kuna tallaalaan dhirta ayna xanaaneeyaan, 

Ugu danbeyntii waxaa islaamku xarrimay in geed la gooyo ama la dhaawaco iyadoo aan laga lahayn dan iyo manaafacaadsi haddii loo goynayo manaafacaadsina waxaa islaamku farayaa in aan la rujinin geedkaas ama aan la gumaadin ee loo gooyo si uu mar kale u soo bixi karo.

 Waxaa waajiba in xukuumada Somalia  ka shaqayso sidii loo joojin lahaa jarista dhirta ,cidii arintaas ka dhaga adeygtana ay tilaabo ka qaadaan,lana helo sharci ciqaab oo ah oo lagu xukumo ciddii falalkaasi ku kacda , waxaa aan ku rajo-weynahay in waqti waqtiyada ka midda umadda Somalia  ay arkaan dhirta oo noqota wax la wada qadariyo, waa in la sameeyaa wacyi gelin xalufinta ba,an ee lagu hayo dhirta.

 

 Gaba-Gabo 

Waxaa haboon:– 

 (1) In la bilaabo doodo lagu falanqeynayo mar haddii aaney dhirta dhuxusha laga sameeyo dhamaad ku dhawdahay bal sidii loo heli lahaa wax lagu bedalo isticmaalka iyo ku tiirsanaanta dhirta,isla-markaana loo helo aafadan xal lagaga kaaftoomi karo iyo dad wadaniyiina oo isu xilqaama arintaasi . 

  (2) In talaabooyinka lagama maarmaanka in loo qaado si deg-deg ah si loo badbaadiyo deegaanka dadka, dhirta ama keymaha    yare ee ku hadhay oo ay nolosha dadka beeraleydda iyo xoolo dhaqataduba si toos ah ugu tiirsan tahay.

  (3)In lagu talaabsaddo sidii loo tashiili lahaa dhuxusha iyo xaabadda dadku hadda isticmaalaan, maadaama aaney dhirta ku hadhay immika Somaliland aanay dabooli Karin baahidda dhuxusha oo sii kordheysa.

  (4) In dadku meel walba oo ay joogaan isu dayaan sidii loo badbaadin lahaa dhirta ama keymaha aan badneyn ee weli ku hadhay goboladda iyo degmooyinka Somaliland., waayo nolosha dadka waxay si toos ah ama si dadban ugu tiirsantahay dhirta.

 (5) Waxaa muhiima in talaabooyinka lagama maarmaanka loo qaado si deg-deg ah,si loo badbaadiyo deegaanka dadka, dhirta ama keymaha yare ee ku hadhay oo ay nolosha dadka beeraleydda iyo xoolo dhaqataduba si toos ah ugu tiirsan tahay

 (6) In leysku dayo sidii kaalmo caalami ah loogu raadin lahaa sidii loo maalgelin daraasaddo ku saabsan wixii lagu badali lahaa tamar ka duwan tan dhira la xaalufinaayo.

 (7) in Bulshada aad loo wacyi-geliyo , loona sheego marka hore  faaidada ay leedahay Dhirta sida:Midhaha,Hooyga,Hadhka,Cunada Xoolaha iyo Dadka intababa., si ay uga waantobaan xaalufinta ba,an ee ay ku hayaan dhirta.

 Ugu danbeyna dadkii aan dhirtoodda xejisan, waxaa hubaal ah in ay dhakhso ugu noolaan donaan deegaan aan xejisan dadka, xoolaha iyo xasharaadkaba,iyadoo aan ognahay faa’iidooyinka dhirtu u leedahay nolosheenana aan halkanlagu soo koobi karin, tusaale ahaan ma jirto cid aan si toos ah ama si dadbanba ugu tiirsanayn dhirta xitaa noolaha kale ee yaryar ee illi ma- aragtayda ah. 

 Waxaa iyaduna xusuus mudan in markasta ay soo noqnoqoto cabasho Abaar saamayn ku yeelata dadka iyo duunyadaba Hadaba sidee lagu ilaalin karaa go,ynta loo geysanayo dhinaca dhirta? Xaalufkan uu sababay gubitaanka dhuxusha oo korodhay,sababtayna Abaaro iyo daaqii xoolaha wadanka oo yaraaday, 

waxaan odhan karnaa in abaarta ka jirta xiligan dalka ay sabab u tahay xaalufinta ba’an ee lagu hayo dhirta. Waxaana aan ka digayaa in ay ka dhalan karto halis ka badan tan iminta taagan,  waxaa haboon shacabka degaankasta  in ay ka hortagaan jarista dhirta  iyo xaalufinta deegaankooda kuna baraarugaan ilaalinta deegaanka.  

Xukuumad iyo shacabna la qaado tallaabooyin si weyn kor loogu qaadaayo dhawrida bay’adda.

 Waxyaabo badan macluumaada waxaad ka dheehankartaa kitaabka la yidhaaho diinta islaamka iyo horumarka bulshada, 

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip