Ciribtirka musuqmaasuqa, madiidsiga iyo dagaalka qabyaaladda ee laga soo miinguuriyay casrul-jaahiliga si loo helo bulsho ilbax ah iyo dowladda cadaaladda bulshada u adeegto.
Hiigsiga Xisbiga
Wuxuu hiigsanayaa Mabda’a ku dhisan cadaalad, waxaana astaan u ah Nabad iyo Cadaalad ayaa lagu nagaadaa, ayaga ayaana baraare iyo barwaaqa horseeda.
Wuxuu doonayaa in la helo Dastuur dhamaystiran ku yimid rabitaanka Dadka Soomaaliyeed saldhiggiisu yahay Islaam, lahaasnhiyahiisana Soomaali.