HALGANKII XORNIMA DOONKA EE XISBIGII SYL OO 75 SANO JIRSADAY

0
Monday May 07, 2018 - 19:25:06 in Sawirada isbedbedelaya by Xisbiga Tiir
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALGANKII XORNIMA DOONKA EE XISBIGII SYL OO 75 SANO JIRSADAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HALGANKII XORNIMA DOONKA EE XISBIGII SYL OO 75 SANO JIRSADAY

Taarikhda 07/05/2018

Taariikh waay soo noq noqotaa si ay uga faa’iideystaan dhamaan dhallinyaradda soomaaliyeed oo ah jiilka maanta jira oo la filaayo in ay hogaanka dalka hantaan, waxaan maanta si farax ay ku dheehan tahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ba loogu dabaal degeynaa sanad guuraddii 75aad ee xisbiga S.Y.L.

Sidasi darteed waxaa maanta ii faraxad ah  in aan halkani hambalyo iyo boogaadin ba uga soo gudbiyo dhamaan shacabka weynaha soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah sannad guuradii 75aad ee ka soo wareegtay xisbigii gobanima doonka ahaa  S.Y.L oo albaabada loo furay 15 May 1943,.waxaan ilaahay ugu baryeenaa inuu u naxriisto geesiyaashii u shahiiday oo naftoodda iyo maalkooda ba u soo huray xornimadda aynu maanta haysano, inta nool na waxaanu Eebbe ugu rajayneynaa in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, isla markaaani waxaan ummadda soomaaliyeedna ilaahay uga rayeynaya in uu ka dul qaado colaada  iyo abaaraha soo noqnoqday, waxaa na  ilaahay aanu  ka baryeena inuu quluubta walaalaha soomaaliyeed burcad isku mariyo si loo gaaro midnimo iyo horumar.

Runtii 13-kii dhalinyaro ee SYL waxay shideen iftiinkii gobanimo doonka ahaa taasoo ku dayasho muddan in ay ka iftiin qaataan dhallinta maanta jira, waxaana u suurta gashay in ay ku guuleystaan ujeeddooyinkoodda ahayd in shacabka soomaaliyeed ay ka saaraan gumeysiga, waxay na lahaayeen aragti fog oo ah in maalin ay heli doonaa "Pan Somalism” soomaali weyn xor ah oo mideysan.

 

Dhallinyaradaasi ma aysan lahayn aqoon heer sare ah iyo dhaqaale ay dal iyo dad ba ku xorin karaan lakiinse waxay ahaayeen dad aaminsan isla markaasi na ay ku weyn tahay waddaniyadda una istaagay in ay dalk ka xoreeyaan gumeysiga, ugu dambeyntii na ilaahay u suurta gelisay in shacabka soomaaliyeed ay gaarsiyaan xornimo taam ah. Sidiisi darteed taariikhdu waxay qortaa qof alla qofkii dalkiisa iyo dadkiisa ba wax tara kaasoo baal dahab ah ka gali doonaa oo sannad walba la xusi doono sida aan sanad walba u xusno dhalinyaradii u soo halgamay naf iyo maal na u huay xornimadda maanta aynu ku faano sidoo kale qof alla qofkii qaadinul wadan ah ama dadkiisa iyo dalkiisa dambi ka gala wuxuu baal madow ka gali doonaa cajaladda taariikhda socota.

 

 

Asaaskii Xisbig SYL

Haddii aan dib u milicsaddo halgankii SYL ee konfurta soomaaliya oo bar bar socday halgankii gobanimo doonka SNL ee waqooyiga soomaaliya, Waxaa xiligaasi dalalka Afrika ka jirtay naacoow gobanima doon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya, dhallinyaradaasi is urursatay waxa shirarkoodda ku qabsan jireen degmad xamar weyne via Roma waxayna dhamaan isku waafaqeyn in marka hore  in la sameeyo naadi ay ku kulmaan dhallinta soomaaliyeed si aan loo tusin Ingriiska in naadigaasi uusan ahayd mid siyaasi ah. Sidaasi darteed waxaa la sameeyey uruur ay ku kulman dhallinyarada Soomaaliyeed  oo la magac baxay SYC (Somali Youth Club) kaasoo ahaa urur aan siyaasi ahayn goobtaa soo ay ku kulmi jireen dhallinyaradda iyo wax garadka soomaliyeed, Xisbiga SYC muddo ka dib wuxuu noqday  uruur siyaasi ah oo la magac baxay SYL. waxaa na dhidhibadda loo dhigay  taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii

Subaxdii 15.05.1943, xafiiskii Diinsiga Ingiriiska, codsigii lagu dalbayey ruqsada Naadiga Dhallinyaradda Soomaaliyeed S.Y.C  waxaa Gudoonsiyey mudane Cabdulqadir Shiikh Sakhaawodiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga, Diinsigii Ingiriisku markuu akhristay codsiga wuu yiri” Waa idiin oggolaaday inaad Naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay Dawlad Dimuqaraadi ah. Waxaanse idiinkaga digayaa inaad sameeysaan wax allaale iyo wixii dhibaato u keeni kara amniga iyo xasillonida dalka marna ma oggolin wixii danaha ingriiska dhibaato u keeni kara sidaasi ayaa lagu oggolaaday Xisbiga S.Y.L"Somali Youth League”,. oo si rasmi ah loo furay taariikhda kor ku xusan oo ay ku kulmeen Aasaasayaashii Dhallinyaradda Soomaaliyeed ka kooban 13 dhallinyaro oo kala ah: -

  1. Cqaadir Sheekh Saqaawadiin
  2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii)
  3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke
  4. Xaaji Maxamed Xuseein Maxamed
  5. Cismaan Geedi Raage
  6. Daahir Xaaji Cismaan
  7. Dheexe Xaaji Dheere Xuseein
  8. Maxamed Cali Nuur
  9. Cali Xasan Maslax
  10. Huudoow Macalin Cabdulle
  11. Xaaji Maxamed cabdullahi (Xayeesi)
  12. Maxamed Faarax Hilowle
  13. Maxamed Cismaan Baarbe

 

kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga uu leeyanhay shacabka soomaaliyeed, iyaga oo aad u diidana siyaasadda gumeysiga oo ahayd "qaybi oo xukun” dhallinyaraddaasi waxay si weyn xil isaga saareyn sidii shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah loo gaarsiin lahaa.

Xisbigaasi wuxuu ku tallaabsaday guulo la taaban karo, isla markii ba wuxuu dastuurkiisa ku soo bandhigay ama ku xusay dhibaatadda qabyaaladda ay u leedahay horumarka iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa intaan ka xusuusto:

  • In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
  • In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
  • In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed.
  • In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
  • In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
  • In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.


    Kuwaas ayey ahaayeen qodobadii ugu muhimsanaa ee aan kor ku soo xusnay, qodobada haray waxay badi ku saabsanaayeen xeer-hoosaadka iyo maamulka Xisbiga. Qodobada la soo bandhigay  dhammaan waa la isku wada waafaqay. Kulankii dhallinyaradda waxaa talooyin iyo fikradda wax ku ool ah ka soo jeediyeen dhallintii goobtaasi ku kulantay, waxayna dhamaantood isku waafaqeyn taladdii uu soo jeediyey muddane Yasiin Haji Osman taladaasoo ahayd in la doorto qofkii hogaamin lahaa xisbiga guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen wuxuu kale talo ahaan  ku soo jeediyey muddan yaasin oo ahaa xubin firfircoon in labadaas jago ugu weyn xisibiga aan loo magacaabin xubno ka soo jeeda qabaa’ilka waaweeyn si looga hortago tartan iyo awood-sheegasho qabiil oo mustaqbalka burburisa himiladda xisbiga,arrintaasi oo  loo arkayd in ay hakad gelin karta halganka iyo masiirka shacabka soomaaliyeed, iyadoo taladaasi la tixgalinayo waxaa la doortyay labadaan mudane:-

·         Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye

·         Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen


Yaasiin Xaaji Cismaan isaga na waxaa loo doortay Xoghaye Guud ee Xisbiga SYL. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ujeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo xisbiga. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u gooni ah arrimaha bulshada iyo dhaqanka ku saabsan ah si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara ingariiska xaggiisa.

Xisbiga SYL markii ba waxaa caqabad ku noqotay ama ka horyimid qabiil iyo qabyaalada oo looga baqay in ay hakiyaan horumarka iyo ujeeddooyinka fog ee xisbiga hase  durbaddii ba wuxuu bilaabay inuu olole naxriis daro ku qaado qabyaaladda iyo kuwa qabiilka adeegsanaayo, taasoo si weyn uu ugu guuleystay in qabyaaladda uu ka hor tago oo si tartiib tartiib ah u dagaalamo taasi ayaana u suurta geliisay horumarka weyn ee xisbigu uu ku talaabsaday

 iyo tacaddi ka imaan kara ingariska xaggiis, Xisbiga

Dhallinyaraddii horseedka xisbiga  SYL 

Waxaa halkani si gaar ah uga xusayaa dhallinyaraddii horseedka xisbiga  SYL oo doorka weyn ka qaatay la dagaalka qabyaayadda isla markaasi na u xilsaanaa in ay ka hor tagaanoo aafaadda qabyaaladda  ay u leedahay sumcadda xisbiga waxaa dhallinyaraddiisi  horseedka  ahaa xisbiga S.Y.L oo ay ka mid ahaayeen:

  1. Adan Carte
  2. Adan Gurey
  3. Warsame Jooglaqe
  4. Osman Galay
  5. Maxamed Gaagaale
  6. Cabdikariim Beerweyne
  7. Warsame Joqof
  8. Yuusuf Ibraahim Aburas

Iyo kuwa kale oo aan xasuusanin oo door weyn ka qaatay la dagaalanka qabyaaladda, kuwaasoo fahmay in qabiilku caqabad uu ku yahay halganka ummadda soomaaliyeed. Waxayna guul la taaban karo ay ka gaareen in ay soo af jaraan colaaddii dhex taalay walaalaha soomaaliyeed. Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u fara badan oo mutadawiciin ah waxaa cirka maray xisbiga magaciisa iyo maqalkiisa uu ku lahaa shacabka soomaaliyeed.

Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku codsanayaan in Xisbiga loo furo, waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya.

Munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee Xisbiga SYL

Dhallinyarada aan kor ku soo xusay oo  ku kala baahsaneyd goboladda soomaaliyeed oo idil si ay u barayrujiyaan dadweynaha ku nool gobaladaasi isla markasina ay ku wacyi geliyaan waddaniyadda iyo midnimadda summadda soomaaliyeed oo gumeysiga kala qaybiyey, dhallinyaradaa soo gacan weyn ka geystay inuu najaxo kormeerka wafuudda SYL ay ku maraayeen 5ta soomaaliyeed, kormeerayaashaasi waxay caddeyeen in dadweynaha soomaaliyeed meel kasta ba ha joogeen ay diyaar u yihiin midnimada shacabka soomaaliyeed, waxay kale kormeerayaashaasi warbixintoooda ay xuseen dhibaatooyinka hortaag halganka gobannimo doonka soomaaliyeed ay tahay qabyaaladda oo ku abuurtay bulshadda  soomaaliyeed is naceeb iyo kala qaybsanaan sidaasi darteed loo baahan yahay in laga hortago qabyaaladda waxaana arrinkaasi u xilsaanaa dhallinyaraddii horseedka xisbiga SYL ,

Munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee aasaaskii xisbiga SYL, waxaa ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed, ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn "Pan Somalism”, lana wacyi geliyo dadweynaha soomaaliyeed sidii loo helo midnimo soomaaliyeed oo loo tuso wafuuddii ka imaaneysi United Nations. Haddii aan tusaale ahaan u soo qaato kormeerkaasi waxa hogaaminaayey muddane  Maxamed Axmed Otavio, iyo muddane Axmed Allore iyo Mudane Ladane .

Dhallinyaradii Somali Signal Squardro

Waxaa kale oo xusid muddan in aan halkaani ka xuso dhallinyaraddii ka tirsaneyd Somali Signal Squadro oo door weyn ka qaatay in ay kormeerayaasha ku guuleystaan kormeerkoodda maxaa yeelay meel alla meeshii ay cagata dhigaanba waxaa taar ka hormari jiray dhallinyaraddii Somali Signal Squardro, waxaa Dhallinyaradaasi Somali Signal Squardro ay ka mid ahaayeen :-

  1. Cabdiraxmaan Alfaas
  2. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
  3. Cabdulkadir Cali Bolay
  4. Cabdulkadir Qararac
  5. Cabdi Adan
  6. Cali Xirsi Jano gale
  7. Cali Food
  8. Adam Tasame
  9. Axmed Qamac
  10. Maxamed Raajis Maxamed
  11. Maxamed Ahmed Faarax (Xeerow Xaaji)
  12. Maxamed Al Casaami
  13. Axmed Maanac
  14. Axmed Xaaji
  15. Cali Yare Xilki
  16. Maxamed Xilki
  17. Ibraahim Baalay
  18. Xusseen Axmed Afrax Biif
  19. Dheere Maxamed Shariif
  20. Xasan Colow
  21. Cabdulqaadir Qararac


  22. Leave a comment

      Tip

      Tip

      Tip

      Tip

      Tip