TIIR PARTY WAA TANAADEY TAAGEERAYAAL BADANA WAA KASBADEY.

0
Tuesday June 12, 2018 - 01:25:45 in Sawirada isbedbedelaya by Xisbiga Tiir
  • Visits: 1916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    TIIR PARTY WAA TANAADEY TAAGEERAYAAL BADANA WAA KASBADEY.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TIIR PARTY WAA TANAADEY TAAGEERAYAAL BADANA WAA KASBADEY.
---------------------
Xubin xisbi hala iga dhigo, diyaar baan u ahey inaan ku soo biiro Tiir Party, hala igu daro dadka ugu horeeya ee la qaadanayo, waan ogol ahay inaan ahaado shaqsi ka tirsan xisbiga, qof ahaan waxaan ku qancay Dastuurka iyo Barnaamijka xisbiga sidaasi daraadeed waxaan go’aansadey inaan ka mid ahaado xisbiga Cadaaladda iyo Midnimadda, hal ku dhigyadaasi iyo erayo kale oo qiimo badan ayaa ka soo burqanaya bulshada Soomaaliyeed ee xiiseynaysa inay ku soo biirto xisbiga Tiir Party.
Boqolaal wajiyo cusub ah ayaa haatan loo qaatey ka mid ahaanshaha xisbiga, rabitaan, jaceyl iyo ku kalsoonaanta Barnaamijka xisbiga dartiis ayay dadkaasi u saxiixeen ku soo biiritaankooda xisbiga, Soomaali isugu jirta Siyaasiyiin, Diblomaasiyiin, Aqoonyahano, Qurba joog, Duubab dhaqan, Haween iyo Dhallinyaro ayaa buuxiyay foomamkii {waraaqihii} ka mid ahaanshaha xisbiga si ay xubin buuxda u noqdaan.
Qaaradaha America, Yurub, Austaraaliya, Aasiya iyo Africa ayay ku kala dhaqan yihiin dadweynaha xilligaan ku soo qulqulaya xisbiga, waa guul iyo sharaf u soo hoyatey xisbiga in muddo aad u kooban ay ka mid noqdaan dadweyne intaasi tiro la’eg, amaan, bogaadin iyo mahadnaq waxaa leh wakiilada Tiir Party ee suura galiyay in waqti aad u yar uu xisbigu ku baaho qeybo badan oo ka mid ah beesha caalamka.
Qoraalo ay xubnaha cusub ku baahiyeen barahooda bulshada ee loo yaqaano Social Media-yaha ayay ku shaaciyeen sida ay uga go’an tahay u adeegida iyo meel marinta ahdaafta xisbiga, dhaqdhaqaaqyo aad u balaaran oo lagu hormarinayo shaqooyinka xisbiga ayaa iminka ka socda xarumaha xisbiga gaar ahaan xarunta dhexe ee Magaalada Muqdisho, halgan adag waxaa loogu jiraa sidii loogu najaxi lahaa talaabo qaadista hore ee xisbiga.
Aqoonyahano, dhallinyaro iyo gabdho u shaqeynaya koox-koox ayaa ishaada buuxinaya marka aad booqato goobaha ay ka socdaan hawlaha xisbiga, masuuliyiin ka mid ah udub dhaxaadka xisbiga oo aan la sheekeeystey ayaa ii cadeeyay in ku tala galkoodu uu yahay sidii uu xisbigu u noqon lahaa xisbi Qaran, iyagoo intaasi raaciyay in ay ka shaqeynayaan sidii nabad, cadaalad, midnimo iyo horumar loogu caano maali lahaa.
Toddobaad ka hor ayaa xisbiga Cadaaladda iyo Midnimada Soomaaliyeed ee lagu naaneyso Tiir waxaa si rasmi ah looga dhawaaqey caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, hase yeeshee muddo shan (5) sanno ah ayaa laga soo shaqeynayay sidii mar walba isbadal dhanka horumarka ah loogu sameyn lahaa, farxad iyo reyn-reyn ayay dadka Soomaaliyeed ku soo dhaweyeen dhalashadii xisbiga.
Illaa iyo haatan xisbiga waxaa xubno ka ah kumanaan Soomaali ah oo ku kala firirsan dacalada kala duwan ee adduunka, marka la isku dar-daro Aas-aasayaashii, madaxda, wakiilada, xubnihii hore iyo wajiyada cusub ee hadda xisbiga ku soo biirey waxaa cid walba u soo baxaya sida uu xisbigaan Tanaad ama Taajir uu ugu yahay xagga bulshada, kuwaasi oo saacad iyo maalin kasta si raxan-raraxan ah u soo galaya.
Tiir Party waa xisbi aan shaqsi, koox ama qabiil gaar ah lahayn waa xisbi siyaasadeed ka dhaxeeya Soomaali oo dhan, si loo soo celiyo karaamadii, heybadii iyo Qaranimadii Wadankeena isla markaana looga baxo qabiilka dadkeena duleystey waxaa haboon in lagu soo biiro xisbiga Cadaaladda iyo Midnimadda Soomaaliyeed ee Tiir maadaama uu yahay xisbigaagii, xisbigaygii iyo xisbigii ururinayay shacbiga Soomaaliyeed.
------
Nala soo xariir
info@xisbigatiir.so
http://xisbigatiir.so/







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip