HAMBALYO 26 June sannadguurda 58

0
Tuesday June 26, 2018 - 01:38:53 in Sawirada isbedbedelaya by Xisbiga Tiir
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    HAMBALYO 26 June sannadguurda 58

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HAMBALYO  26 June ku aaddan sannadguurda 58
======================
Mudunayaal,
Anigoo ku hadlaaya magaca Xisbiga Cadaaladda Iyo Midnimadda – TIIR, Waxaan -HAMBALYO ku aaddan sannadguurda 58-aad iyo habeenkan xusuusta mudan oo gobollo ka mid ah dalkeena hooyo ay xorrobeen.
Hambalyo diiran ayaan u diraya dhammaan shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaanse rabaa in caawa muwaadin kasta in uu qaato daqiidado yar oo kooban oo uu xusuusto farxadda iyo rarrayta iyo hilowga aan isu qabnay 26-kii Juun ilaa 1-dii Luuliyo 1960-kii deedna is weydiiyo: Maxaa ina kala kexeeyey iyo maxaa tala ahoo inoo dan ah.
Anigu waagaas xorriyada, waxaan isku raacnay in hilowgii ina hayey waagaas maanta mid kasii kulul uu ina hayo, dhammaan inta midnimada jacel waxay ku mideysan yihiin in midnimo iyo walaaltinimo isugu soo hoyanona ay inoo dan tahay, umaddeena iyo horumarka dalkeenana u roon.
Mudanyaal 
waxaan codsanayaa ee taageerayaana in dib u bilaawdo wadidadda wadahadallada dib-u-heshiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Gobollada woqooyiga Soomaliyeed ee Somailand;
Xisbiga TIIR wuxuu ku talinaya in muwaaddin kasta oo soomaaliyeed heer kastoo maqaamkiisa bulshadeed yahay uu ka fogaado hadal kasta oo keeni karo xanaf iyo maandhaaf.
Xisbiga wuxuu ku talinaya, in is-dhexgalka iyo isusocodka bulshada, wada xiriirka dhaqaale, ku dhaqanka iyo xormaynta Diinta Islaamka iyo maamusidda xeer-dhaqameedka soomaalida, ilaalinta midnimada dhulka iyo gobannimada umadda soomaaliyeed, wadar ahaantooda waa dhaqammo isku dhafan iskuna dhidibbo aasan, oo xiriiriya bulshada soomaaliyeed oo ay dheer tahay hal luqad ay ku wada xaajoodaan. Waxaan leenahay dhaqan nool oo leh dhiig walaaliya soomaalida oo sinna aan loo kala furfuri Karin, dhul kasta oo ay ku nool yihiin iyo calan kasta oo ay huwan yihiin. Saa daraadeed, dhaqammadaas aan soo tilmaanay waa in ay ka mid ahaadaan qodobbo ka mid ah ajendada geeddisocodka wadaxaajoodkan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Gobollada Soomaaliyeed ee Somaliland.
XISBIGA wuxuu ku talinaya, in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay la-tashiga arrimaha wadaxaajoodka ballaarisaa si dadweynaha soomaaliyeed guud ahaan, intii suurtogal ah, uga wada qaybqaataan, gaar ahaan muwaddiniinta kasoo jeeda degaanada Gobollada Woqooyiga Soomaliyeed ee Somalilandna si buuxda looga qaybgeliyaa.
walaalyaal, Soomaalida waa dad yar tiro ahaan, degaan ahaanse waa dal ballaran oo ina wada deeqa, dadka soomaaliyeedna waa mid wadaaga waxyaabo maguuraan ah oo siinaya midnimo asal ah (natural unity/unita’ naturale), inkastoo muddooyinkan dambe aad laysugu diray, laysugu dilay loona kala dilay, iyadoo aad loogu buunbuuniyey waxyaabaha yaryar ee kala qaybiya, lagana indhasaabay arrimaha waaweyn ee mideeya, midnimadaas asalka ah oo keeneysa in run ahaantii ayan jirin baahi lagama maarmaan ah oo loo qabo kala goynta shacbiga iyo kala qooqoobidda dalka iyo kala daadin bulshadeed.
Aan wada hadalno waa aan heshiino – 
Mudaneyaal 
wadahadalkan waa in loo koraa geed dheer iyo geed gaaban ku kastaba aan u wada fuulno, gogol nabadeed kasta, goob kasta lagu fidiyo aan u galno, shacbiga soomaaliyeed wuxuu inaga filayaa inaan nabad iyo walaaltinimo umaddeena isugu soo hoohino oo kuna midowno. Wadahadalku ha noqdo mid walaaltinimo ee yuusan noqon una muuqan mid weel iyo waalid ka tarjumaya. Waxaabaha fara ku tiriska ah oo aan ku kala tagsan nahay ha noo dambeyaan oo arrimaha badan aan ku heshiis nahay aan ku midowno. Wadajir aan uga baxno gudcurkan dhowr iyo labaatankan sano inagu habsaday.
Shacbiga Soomaaliyeedna waxaan xusuusinayaa in Madaxda kaligooda aanay howshan iyo wada xaajoodkan fulin Karin. 
Gobbanimada Jumhuuriyadda, Alaahu SWT ka sokow, shacbigaa leh, ajiga loo adeegayo waa shacbiga. Hay’adaha Dawladda ma aha wax kale ee waa addimaha u adeega rabitaanka Shacabka. Saa daraadeed.
Waaa waajib muwaaddin kasta u xilsaaran in midnimada iyo difaaca dalkeena loo wada guntado, Gobannimada iyo sugidda ammaanka umaddeenana u wada duubano.
Ugu dambayentii waxaa Allahu swt ka baryeynaa in quluubteena isu soo wada dumo, dhaahaa wixii dhexdeena ah oo aan isku maandhaafnayna in uu si san, warsan iyo si suuban noogu islaaxiyo. Waxaan Allahu swt ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwii dhallinteena dhaxal wanaagsan u reeba, oo adduunyadooda ku dhaqdaan aakhiradoodana uga tabaasheystaan. Barbaarteenana inuu xilqaadiyaal suuban oo barakeysan inooga dhigo inta dhunsanna inoo soo hanuuniya… aamiin! Aamiin! Allahayow amiin!


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip