MUNAASABADDA SOO BANDHIGIDDA QAYBYO QORAALKA BARNAAMIJKA SIYAASIGA AH EE XISBIGA TIIR

0
Friday January 04, 2019 - 15:09:56 in Sawirada isbedbedelaya by Xisbiga Tiir
  • Visits: 2170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUNAASABADDA SOO BANDHIGIDDA QAYBYO QORAALKA BARNAAMIJKA SIYAASIGA AH EE XISBIGA TIIR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUNAASABADDA SOO BANDHIGIDDA QAYBYO QORAALKA

BARNAAMIJKA SIYAASIGA AH EE XISBIGA TIIR.



Shirar is daba joog ah oo ku qabsoomay Xarunta Xisbiga TIIR, Ay ka soo qeygalyey wakiilada ardeyda Jamacada Mogudiscio  aqoonyahano, Siyaasiyiin, indheer-garad, Culima-awdiin, Haween, Dhalinyaro iyo Waxgaradka kala duwan oo ka socday dhammaan umadda Soomaaliyeed loogana lagu gorfeynaayey  MUNAASABADDA SOO BANDHIGIDDA QAYBYO QORAALKA BARNAAMIJKA SIYAASIGA AH EE XISBIGA TIIR.

Waxaan Mahad loo soo jeedinayay Guddida Qoraalka barnaamijka Siyaasiga ee Xisbiga gaar ahaan xubnaha qabyo qoraalkan soo uruiyey , iyaga oo dadaal weyn iyo waqti badan ay u hureen soo saaristiisa. Xubnahan waxaan ka xusayaa .

Waxaan iyana u mahadcelyey dhamaan xubnaha ku biiray talooda iyo fikirkooda.

Barnaamijkan maaha feker qof keliya. Waa isu geynta garaadkeenna iyo afkaarteenna. Cidii aan u hore uga dhiiban fekerkooda gacmo furan baan lagu soo dhaweeynayaa ka qayb qaadashadooda, waan u furan dhamaan xubnaha iyo taageerayasha Xisbiga iyo shacbi weynaha reer Somalia. Waa badeecad aan wada leenahay.

Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga TIIR waxa uu ku saleysan yahay mabaadiida Guud ee Xisbigu ku dhisan yahay oo u badbaadinta shacbigiisa hantidiisa ugu qaalisan oo ah dhaqankiisa wanaagsan iyo diintiisa Islaamka . Waxa uu u dhisayaa qaran iyo shacbi mideysan oo ka fayow qabyaalad iyo qayb sooc. Barnaamijku wuxuu dalka ku hogaamin doonaa cadaalad, horumar iyo Midnimo.
Iyada oo ay faahfaahin doonaan Guddida qoraalka barnaamijka , waxaan ku soo koobayaa qabyo qoraalka qodob guud oo ay ka mid yihiin

1. Mabaadiida guud ee Xisbiga TIIR oo ku salaysan:
a. Diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan
c. Dhawrista midnimada iyo wada jirka shacabka Somali oo ku ku saleysan cadaalada iyo sinaan
d.Hiigsi cad , Hogaan toosan oo daacad ,horumar iyo midnimo

e. Soo celiyo kalsoonidii iyo rajadii umadda
f. La dagaalanka faqriga iyo saboolnimada
g. La dagaalanka musuqmaasaqa iyo laaluushka
g. Dhawrista Hantida Guud iyo Khayraadka Dabiiciga ah.

2. Abuurista barnaamj balaadhan oo shaqo abuuris iyo la dagaalanka tahriibta

a. Horumarinta Arrimaha bulshada
b. Waxbarashada
c. Caafimaadka
d. Shaqada iyo shaqaalaha
c. Dhawrista deegaanka
e. Horumarinta reer Miyiga

3. Dhiiri gelinta iyo ka qaybgelinta siyaasadda ee dhallinyarada, bulshooyinka dulman iyo Haweenka

 

4. Dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha
a. Dib u habeynta iyo Dhismaha wadooyinka, dekedaha, madaarada.
b. Suuq geynta khayraadka dalka ( Xoolaha, xabagta, hargaha iyo beeyada)

 

 

5. Wada shaqeynta heyadaha dawladda iyo kala xadeynta awoodaha sharci iyo isku xidhkooda

Waxaa kale oo barnaamijka Siyaasiga ka dheegmi doonaa MANIFESTADA Xisbiga oo la soo bandhigi doono.

Waxaan kale oo sugaynaa taladiina iyo fekerkiina aad ku dari lahaydeen barnaamijka Siyaasiga ee Xisbiga .

Mahad naq balaadhan baan u soo jeedinayaa dhamaan Umada Soomaaliyeed

Twitter:@Xisbigatiir 
Web 
www.xisbigatiir.so
Email: Info@xisbigatiir.so 
Xisbigatiir.so@gmail.com
tel:002526-13194074 
Office:642659

#TACLIIN-TASHI-TACAB




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip