Xisbiga Tiir oo u Dabaal-degay Sannad-guuradii Afaraad ee Xisbigaasi

0
Friday January 24, 2020 - 21:44:31 in Sawirada isbedbedelaya by Xisbiga Tiir
  • Visits: 1818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Tiir oo u Dabaal-degay Sannad-guuradii Afaraad ee Xisbigaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Xisbiga Tiir oo u Dabaal-degay Sannad-guuradii Afaraad ee Xisbigaasi

-----------

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, laguna maamuusayay Afar sanno jirsiga Xiisbiga Caddaaladda iyo Midnimada ee {Tiir}, isla markaana lagu soo bandhigayay barnaamijka siyaasaddeed ee Xisbigaasi ayaa 23/1/2020 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii xafladdaasi oo si ballaaran loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaanno, Senator, Wasiirro, Guddoomiyaal ka socday Xisbiyada Siyaasadda, Masuuliyiin matalaysay Maamulada K/Galbeed, Hirshabeele, Galmudug iyo Jubbaland, siyaasiyiin, aqoonyahanno, qurba-joog, madax dhaqameed, dhallinyaro, haween, fannaaniin iyo marti sharaf aad u fara badan.

Khudbad uu munaasabaddaasi ka soo jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada ee (Tiir} Eng, Saalax Sheikh Cusmaan Muuse ayaa halkaasi ku soo bandhiggay toddobada (7) tiir ee uu xisbigaasi ku shaqeyn doono 2020-2024, waxaana uu dhinaca kale ka hadlay arimo ay ka mid ahaayeen Dastuurka, Maamul Goboleedyada, Nabadeynta, Dib u heshiisiinta iyo sidii loo abuuri lahaa jawi degan oo horumar uHorserdi kara dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Madasha Hiigsi ahna Guddoomiyaha Xisbiga NDP Xildhibaan Fowsiya Yuusuf X. Aadan, Senator Cabdi-kaafi Macallin, Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka Saciid Jaamac Qoorsheel, Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Tima jilac Guddoomiyaha Xisbiga Shacbiga C/raxmaan Suleymaan & Guddoomiyaha Xisbiga NDC Dr. Muuse oo xafladaasi ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay Xisbiga Tiir sannad guurada Afaraad ee uu u dabaal- degayo, waxayna cadeeyeen inay soo dhaweeynayaan barnaamijka siyaasaddeed ee uu Xisbigaasi soo bandhiggay.

Masuulyiintaasi ka hor waxaa munaasabdaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Tiir Dr.C/llaahi Salaamullaahi, Xoghayaha Arimah Bulshada Axmed Guutaale iyo Xogahayha Haweenka Safiyo C/llaahi Maxamed, kuwaasi oo soo bandhigay taariikhda, waxqabadka iyo hiigsiga Xisbigaasi ee mustaqbalka soo socda.

Xafladdaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa suugaan isugu jirtay heeso, gabayo, cayaaro iyo sheekooyin ku soo bandhigtay kooxda Shambal iyo Laashimiin ka socotay Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose, Iyada oo dhinaca kale xafladdaasi lagu bixiyay shahaadooyin la siiyay xubno ka tirsan Xisbigaasi oo uu tababbar u soo dhamaadey.

Iska diiwaangelinta internetka
online registration
Xisbiga Cadaaladda Iyo Midnimadda - TIIR


Twitter:@Xisbigatiir
Web www.xisbigatiir.so
Email: Info@xisbigatiir.so
Xisbigatiir.so@gmail.com
tel: tel:002526-13194074
Office:642659
#TASHI-#TACLIIN-#TACAB

Xigasho wariye: Shiqaalow Hassan

#Tiir_Waa_Mideeyihii_Bulshada!
#Tacab_Tacliin_iyo_Tashi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip