Hiigsiga Xisbiga

  • Wuxuu hiigsanayaa Mabda’a ku dhisan cadaalad, waxaana astaan u ah Nabad iyo Cadaalad ayaa lagu nagaadaa, ayaga ayaana baraare iyo barwaaqa horseeda.
  • Wuxuu doonayaa in la helo Dastuur dhamaystiran ku yimid rabitaanka Dadka Soomaaliyeed saldhiggiisu yahay Islaam, lahaasnhiyahiisana Soomaali.
  • Wuxuu tixgelinayaa wada noolaashiyaha, is-xaqdhowrka, daris wanaagga, is-caawinta iyo ka shaqeeynta cadaaladda Bulshada.
  • Wuxuu ixtiraamayaa, dhowrayaa Nidaamka Dowliga ah, sinaanta sharciga, xuquuqda Aadanaha, hanaan ku qotoma isla xisaabtan iyo  ilaalinta shuruucda dalka.
  • Wuxuu u taaganyahay midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, nabadgelyada guud iyo hurumarka.
  •  Wuxuu diidan yahay eexda, qabyaaladda, kala dhantaalka Umadda Soomaaliyeed.
  • Wuxuu qadarinayaa Wadamada Dariska ah iyo dhammaan Beesha Caalamka, wuxuu xurmaynayaa shuruucda Caalamiga ah, sidoo kale Mabaadi’da Ururada Caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Ururka Jaamacada Carabta, Ururka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Wadama Islaamka iyo Urur Goboleedka IGAD.