Ujeedooyinka Xisbiga

Xisbiga,Cadaaladda iyo Midnimadda wuxuu u taaganyahay in uu xaqiijiyo yoolalka soo socdo:
  1. Dhowrista madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed
  2. Dhiiri gelinta siyaasadd dhex-dhaxaadka ku dhisan, iyo sare u qaadista soomaalinimada iyo islaamnimada.
  3. Kor uqaadista, kobcinta iyo dhiiro gelinta horrumarka dhaqaalaha, waxbarashada iyo cadaaladda  bulshada.
  4. Ku beerista bulshada mabaadi’danabad kuwada noolaashiyaha; sareeynta sharciga, wadaniyadda ayadoo loo marayo dhisidda dowlad dimuqaraadi, caadil ah u taagan xaqiijinta sinaanta muwaadiniinta dhisidda bulsha xadaarad leh kana madaxbanaan afkaar umada kale.
  5. Kobcinta  miyirka wadaniyeed iyo xoojinta dareenka daacad u noqoshada dadka iyo dalka.
  6. Dhiiri gelinta horumarinta cilmiga, hal-abuurka si wadanka iyo dadkuba isku filnaashiyo xagga waxbarashada iyo wax soo-saarka ah u helaan
  7. Sare u aqaadista garaadka iyo tarbiyada ubadka iyo dhalinyarada soomaaliyeed si la kobciyo aqoontooda si ay mustaqbal wanaagsan u helaan.
  8. In lagu booriya bulshada is-caawintooda iyo iskufilnaantooda.
  9. In kor loo qaado caadooyinka iyo dhaqanada suuban ee bulshada;