Xaalufka Ba'an iyo Dhibaatooyinka lagu hayo #Dhirteena

Xaalufka Ba’an iyo Dhibaatooyinka lagu hayo #Dhirteena
Dadka mu’miniinta ah inay beeraan #dhulka kuna tallaalaan dhirta ayna xanaaneeyaan,
Islaamku xarrimay in geed la #gooyo ama la #dhaawaco iyadoo aan laga lahayn dan iyo manaafacaadsi haddii loo goynayo manaafacaadsina waxaa islaamku farayaa in aan la rujinin geedkaas ama aan la #gumaadin ee loo gooyo si uu mar kale u soo bixi karo…
#Scww, Intaa ka dib maqaalkan ayaa waxaynu ku soo qaadanaynaa xaalufinta iyo gumaadka lagu hayo dhirta ku taala wadankeena Somaliyeed.
faa’iidooyinka dhirtu u leedahay nolosha bini’aadamku, gaar ahaan dadka ku nool wadamada soo #koroya ma aha mid la soo koobi karo, waxaana ka mid ah #daaqa, #hadhka, #dhuxusha_xaabadda, qoryaha guryaha lagu dhisto, #daawooyin, cimilada iyo qaar kale oo fara badan, #nooluhuna waxaa uu u qaybsamaa labo qaybood oo kala ah dhirta (Plants) iyo xayawaanka (Animals).
#Qaybta Dhirta ayaa ah aasaaska nolosha xataa cuntada sameyska ah waxaa laga dhexlay sameynta #Borotiin laga quudiyo xoolaha nool, iyadoo la adeegsanaayo hab kimikada la mid ah, kan ay dhirtu cunadeedu ku sameysato,
sidaas awgeedna waxaa dhirtu caalamka u aqoonsaday in ay tahay #warshada cuntada adduunka.
Si kale hadaan u dhigno dhirtu waa isha koowaad ee laga helo #tamarta amase qaybiyaha guud ee tamarta.
Qaybaha #cunatada ee jirkeenu u baahan yahay waxaa ka mid ah #Kaarboohaydataytka (carbohydrates), #borootiinka (proteins), #baruurta (fats),# fitamiinada (vitamins), #macdanta (minearls), iyo waxyaabo kale oo soo raaca.
Kuwaas oo dhamaantood laga maarmaan ah, si looga helo tamarta, ama quwada aynu ku socono iyo koritaanka qofku korayo , isla markaana dhir la’aani waa nolol la’aan.
Marka aynu dadka dib u eegno waxa ay ku cunteeyaan oo dhan waxay u kala kacaan #labo qeybood uu dhirta toos ugu qaato oo ah #midhaheeda, caleenteeda,xididadeeda,xabagteeda iyo qeybaheeda kala duwanba,
Qeybta #labaad wuxuu ka qataa xayawaanka hilibkiisa caanihiisa, subagiisa iyo manaafacaadkooda, sidoo kale xayawaanka laftiisu wuxuu ku cuno waxay u noqonaysaa dhirta.
Sidaa awgeed waa laysku booriyo in geedo badan laga #beero gudaha iyo dibadba ,kuwii hore u jireyna la ilaaliyo , cid kastaana ay xooga saarto sidii wax looga qaban lahaa #dadka caadaystay iney dhirta #xaalufiyaan oo dhuxul ka sameeyaan,iyadoo iminka
meello badan oo ka midda Somalia ay socoto xaalufin balaadhan oo lagu hayo dhirteenii aynu hodanka ku ahayn, isla markaana aan la helin weli cid si toosa wax uga qabata ,iyadoo aan ognahay in
dhirtu tahay saldhigga nolosha nafleyda oo dhan , wax kasta oo ku uuman dhulka korkiisa, nolashoodu waxay ku xidhan tahay dhirta.
1) Waxa jira #xadiisyo dhowr ah oo ka hadlaya arrinkan, in qof kasta oo dhulka wax ku beera ama ku talaala in uu ilaahay ka #ajar siinayo.
2}#qofka beerayda ah markuu gacanta ku qabto abuur isagoo joogo gurigiisa waxaa u dhawaaqa #malag oo yidhaahda dalool waxaa leh beerta,daloolna waxa iska leh shimbiraha,daloolna waxaa leh bahaa’imta, haddii uu abuurka ku rido dhulka waxaa loo qoraa halkii xababa 10 #xasanadood haddii uu waraabiyo oo uu soo dhasho abuurkuna wuxuu la mid yahay qof nooleeyey, halkii xabo badalkiisa ruux mu'min ah oo ilaahay u tasbixsanaya ilaa laga gooyo wuxuu la mid yahay qof noleeyay halkii xabo badalkiisa bartaas,
3)Markii uu #gooyo oo uu shiidana wuxuu la mid yahay, isagoo denbigiisa la shiiday,markuu dabaysha ku babiyana denbigiisa duula,markuu uu beegana wuxuu ka baxaa dunuubtiisii oo idil oo kala mid noqodaa sidii malintii ay hooyadii dhashay oo kale markii uu la tago guriga oo ay caruurtu ku farxaana waxaa loo qoraa 40 #sano cibaadadood,
Haddii uu wax ka siiyo qof baahan, deriska iyo masaakiintana waxaa ilaah ka badbaadiyaa cadaabkiisa.
4-Qofkii talaala 3 #geed timireed oo dhaqaaleeya ilaa ay ka midha bixiso waxaa uu waajibtay #janno.
5-haddii qiyaamadu ay kacdo oo mid idin ka mid ahna gacan uu ku hayo laan haddii uu karo in uu talaalo ha tallaalo.
6-Qofkii dhul leh ha #abuuro(Beerto) ama ha siiyo walaalkiis.
7-Qofkii dhul angeganaa nooleeya isagoo ilaahay ku kalsoon ajar doona ah , waxaa ilaahay xaq ku ah inuu u kaalmeeyo una barakeeyo.
Waxaa la sheegay inuu yidhi #kacab axbaar Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri ; "ilaahay wuxuu soo dajiyey 99 #barako wuxuu yeelay beeridda 98 #barako,hal hadhayna uu yahay ganacsiga .
#Axaadiistaas oo idil waxaad ka arkaysaa rasuulkeenii suubanaa
#Muxammed (SCW) inuu si #cad ugu tirtirsiiyey dadka mu'miniinta ah inay beeraan dhulka kuna tallaalaan dhirta ayna #xanaaneeyaan,
Ugu danbeyntii waxaa islaamku xarrimay in geed la #gooyo ama la dhaawaco iyadoo aan laga lahayn dan iyo manaafacaadsi haddii loo goynayo manaafacaadsina waxaa islaamku farayaa in aan la #rujinin geedkaas ama aan la gumaadin ee loo gooyo si uu mar kale u soo #bixi karo.
Waxaa waajiba in xukuumada Soomaaliyeed ka shaqayso sidii loo joojin lahaa jarista dhirta ,cidii arintaas ka dhaga #adeygtana ay tilaabo ka qaadaan,lana helo sharci ciqaab oo ah oo lagu xukumo ciddii falalkaasi ku kacda , waxaa aan ku rajo-weynahay in waqti waqtiyada ka midda umadda Soomaaliyeed ay arkaan dhirta oo noqota wax la wada qadariyo, waa in la sameeyaa wacyi gelin xalufinta ba,an ee lagu hayo dhirta.
Waxaa iyaduna aan la dafari-karin ,in degaanada qaar ka midda ay haatan u muuqdaan kuwa isu diyaariyey in ay wax ka qabtaan dhibaatadan baaxadda leh ee ka jirta degaankooda. In kasta oo aanay weli jirin tallaabooyin wax-gal ah oo dharwrkii sano ee u dambeeyey arrintan laga qaaday, haddana waxa muuqda olole si weyn uga socda meelo badan oo ka tirsan Jamhuuriyada Soomaaliya, kaas oo looga gol leeyahay sidii loo joojin lahaa xaalufinta deegaanka ee sii kordheysa.
ugu danabeyna gumaadidda dhirta lagu hayo, si loogu daboollo #baahidda dhuxusha iyo xaabadda ee jirta ayaa ah mid sii kordhineysa xaalufka, isla markaana khatar galineysa nolosha xoolaha, iyo dadkii ku noolaaba.
Gaba-Gabo
Waxaa haboon:–
(1) In la bilaabo doodo lagu falanqeynayo mar haddii aaney dhirta dhuxusha laga sameeyo dhamaad ku dhawdahay bal sidii loo heli lahaa wax lagu bedalo isticmaalka iyo ku tiirsanaanta dhirta,isla-markaana loo helo aafadan xal lagaga kaaftoomi karo iyo dad wadaniyiina oo isu xilqaama arintaasi .
(2) In talaabooyinka lagama maarmaanka in loo qaado si deg-deg ah si loo badbaadiyo deegaanka dadka, dhirta ama keymaha yare ee ku hadhay oo ay nolosha dadka beeraleydda iyo xoolo dhaqataduba si toos ah ugu tiirsan tahay.
(3)In lagu talaabsaddo sidii loo tashiili lahaa dhuxusha iyo xaabadda dadku hadda isticmaalaan, maadaama aaney dhirta ku hadhay immika Somalia aanay dabooli Karin baahidda dhuxusha oo sii kordheysa.
(4) In dadku meel walba oo ay joogaan isu dayaan sidii loo badbaadin lahaa dhirta ama keymaha aan badneyn ee weli ku hadhay goboladda iyo degmooyinka Somaliland., waayo nolosha dadka waxay si toos ah ama si dadban ugu tiirsantahay dhirta.
(5) Waxaa muhiima in talaabooyinka lagama maarmaanka loo qaado si deg-deg ah,si loo badbaadiyo deegaanka dadka, dhirta ama keymaha yare ee ku hadhay oo ay nolosha dadka beeraleydda iyo xoolo dhaqataduba si toos ah ugu tiirsan tahay
(6) In leysku dayo sidii kaalmo caalami ah loogu raadin lahaa sidii loo maalgelin daraasaddo ku saabsan wixii lagu badali lahaa tamar ka duwan tan dhira la xaalufinaayo.
(7) in Bulshada aad loo wacyi-geliyo , loona sheego marka hore faaidada ay leedahay Dhirta sida:Midhaha,Hooyga,Hadhka,Cunada Xoolaha iyo Dadka intababa., si ay uga waantobaan xaalufinta ba,an ee ay ku hayaan dhirta.
Ugu danbeyna dadkii aan dhirtoodda xejisan, waxaa hubaal ah in ay dhakhso ugu noolaan donaan deegaan aan xejisan dadka, xoolaha iyo xasharaadkaba,iyadoo aan ognahay faa’iidooyinka dhirtu u leedahay nolosheenana aan halkanlagu soo koobi karin, tusaale ahaan ma jirto cid aan si toos ah ama si dadbanba ugu tiirsanayn dhirta xitaa noolaha kale ee yaryar ee illi ma- aragtayda ah.
Waxaa iyaduna xusuus mudan in markasta ay soo noqnoqoto cabasho Abaar saamayn ku yeelata dadka iyo duunyadaba Hadaba sidee lagu ilaalin karaa go,ynta loo geysanayo dhinaca dhirta? Xaalufkan uu sababay gubitaanka dhuxusha oo korodhay,sababtayna Abaaro iyo daaqii xoolaha wadanka oo yaraaday,
waxaan odhan karnaa in abaarta ka jirta xiligan dalka ay sabab u tahay xaalufinta ba’an ee lagu hayo dhirta. Waxaana aan ka digayaa in ay ka dhalan karto halis ka badan tan iminta taagan, waxaa haboon shacabka degaankasta in ay ka hortagaan jarista dhirta iyo xaalufinta deegaankooda kuna baraarugaan ilaalinta deegaanka.
Xukuumad iyo shacabna la qaado tallaabooyin si weyn kor loogu qaadaayo dhawrida bay’adda.
Waxyaabo badan macluumaada waxaad ka dheehankartaa kitaabka la yidhaaho #diinta islaamka iyo #horumarka bulshada,
--
Xisbiga Tiir: #TASHI_TACAB_TACLIIN
Email: Info@xisbigatiir.so

MUNAASABADDA SOO BANDHIGIDDA QAYBYO QORAALKA BARNAAMIJKA SIYAASIGA AH EE XISBIGA TIIR.


Shirar is daba joog ah oo ku qabsoomay Xarunta Xisbiga TIIR, Ay ka soo qeygalyey wakiilada ardeyda Jamacada Mogudiscio aqoonyahano, Siyaasiyiin, indheer-garad, Culima-awdiin, Haween, Dhalinyaro iyo Waxgaradka kala duwan oo ka socday dhammaan umadda Soomaaliyeed loogana lagu gorfeynaayey MUNAASABADDA SOO BANDHIGIDDA QAYBYO QORAALKA BARNAAMIJKA SIYAASIGA AH EE XISBIGA TIIR.

Waxaan Mahad loo soo jeedinayay Guddida Qoraalka barnaamijka Siyaasiga ee Xisbiga gaar ahaan xubnaha qabyo qoraalkan soo uruiyey , iyaga oo dadaal weyn iyo waqti badan ay u hureen soo saaristiisa. Xubnahan waxaan ka xusayaa .
Waxaan iyana u mahadcelyey dhamaan xubnaha ku biiray talooda iyo fikirkooda.

Barnaamijkan maaha feker qof keliya. Waa isu geynta garaadkeenna iyo afkaarteenna. Cidii aan u hore uga dhiiban fekerkooda gacmo furan baan lagu soo dhaweeynayaa ka qayb qaadashadooda, waan u furan dhamaan xubnaha iyo taageerayasha Xisbiga iyo shacbi weynaha reer Somalia. Waa badeecad aan wada leenahay.

Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga TIIR waxa uu ku saleysan yahay mabaadiida Guud ee Xisbigu ku dhisan yahay oo u badbaadinta shacbigiisa hantidiisa ugu qaalisan oo ah dhaqankiisa wanaagsan iyo diintiisa Islaamka . Waxa uu u dhisayaa qaran iyo shacbi mideysan oo ka fayow qabyaalad iyo qayb sooc. Barnaamijku wuxuu dalka ku hogaamin doonaa cadaalad, horumar iyo Midnimo.

Iyada oo ay faahfaahin doonaan Guddida qoraalka barnaamijka , waxaan TUSAALE ahaan qaar ka mid ah Baramishka waxaa ka mid ah:
1. Mabaadiida guud ee Xisbiga TIIR oo ku salaysan:
a. Diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan
c. Dhawrista midnimada iyo wada jirka shacabka Somali oo ku ku saleysan cadaalada iyo sinaan
d.Hiigsi cad , Hogaan toosan oo daacad ,horumar iyo midnimo
e. Soo celiyo kalsoonidii iyo rajadii umadda 
f. La dagaalanka faqriga iyo saboolnimada
g. La dagaalanka musuqmaasaqa iyo laaluushka
g. Dhawrista Hantida Guud iyo Khayraadka Dabiiciga ah.
2. Abuurista barnaamj balaadhan oo shaqo abuuris iyo la dagaalanka tahriibta
a. Horumarinta Arrimaha bulshada
b. Waxbarashada
c. Caafimaadka
d. Shaqada iyo shaqaalaha
c. Dhawrista deegaanka
e. Horumarinta reer Miyiga
3. Dhiiri gelinta iyo ka qaybgelinta siyaasadda ee dhallinyarada, bulshooyinka dulman iyo Haweenka

4. Dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha
a. Dib u habeynta iyo Dhismaha wadooyinka, dekedaha, madaarada.
b. Suuq geynta khayraadka dalka ( Xoolaha, xabagta, hargaha iyo beeyada)

5. Wada shaqeynta heyadaha dawladda iyo kala xadeynta awoodaha sharci iyo isku xidhkooda

Waxaa kale oo barnaamijka Siyaasiga ka dheegmi doonaa MANIFESTADA Xisbiga oo la soo bandhigi doono.
Waxaan kale oo sugaynaa taladiina iyo fekerkiina aad ku dari lahaydeen barnaamijka Siyaasiga ee Xisbiga .
Mahadnaq balaadhan baan u soo jeedinayaa dhamaan Umada Soomaaliyeed 


NASIBBONDI:BOQORKII WAGOSHA iyo JUBOOYINKA

Nasibbondi waa la adoonsadey Silsilad baa qoorta loo xirey.Waa iska gooyey silsiladii, waa ka xoroobey adoonsigi.Waa calaamad cad oo qofkasta wuxow xaq u leeyahey in soo ceshto, Xoquudisa iyo shartiisa uu EBBE ku maneestey.
Nasibbondi waxoow dhisey Dawlad la magac baxday DAWLADI NASIIBBONDI (specie di Stato da lui istituito).Qof kasto lagu xad gudbey oo u galo Dawladiis, Qofkas wuxuu xeli jirey XORIYADISA, Dhul iyo waxuu ku noolado ayaa la siin jirey.Dhawladisa waxaa la oran jirey Dawladii XORIYADA.

Wuxuu ka talijirey Waa Gusha iyo Jubooyinka, ilaa hadeerna Shacabkiisa dhulkaas ayey daganyihin.
King Nasibbondi waxaa diley Dawladii Taliyaaniga ayadoo xoog ku qabsatey Jubooyinka iyo Wagoshe, 
------------------------------------------------------------------
kING NASIBBONDI
Two days from Kisimajo, it assures me Nahar Ali, lies a vast territory named Nasibbondi, where many freed slaves cultivate the soil for their own account, under the tutelage of the chief who gave his name to the sort of state set up by him. As in the old 'asylum', the slave who, escaped from his master, manages to set foot on that free land, becomes free, and can no longer be claimed. 
Nasibbondi - Spartacus African lucky - it was also a slave and was able to free himself from the yoke, a clear sign of the dignity of the human race, because also those blacks are likely to revolt and express themselves. Some years ago the Somalis mistreated and stripped in Gabuwien, where they had camped, a caravan of his people headed toward the coast. 
Nasibbondi immediately fell on the village, which he reduced to ashes, killing the old inhabitants and razing everything he could find.


Barnaamijka Siyaasadeed

  1. Siyaasada Xisbiga waa mid ku saleysanMabadii’da Shareecadda Islaamka iyo qiyamka iyo dhaqanka suuban ee soomaaliyeed.
  2. Barnaamijka Siyasadeed ee xisbiga wuxuu xambaarsan yahay mabadiida aas’aasiga ah sida midnimo, sinaan iyo cadaalad, uhogaansanaanta sharuucda dalka si ku dhisan dimiquraadiyad.