HALGANKII XORNIMA DOONKA EE XISBIGII SYL OO 75 SANO JIRSADAY
HALGANKII XORNIMA
DOONKA EE XISBIGII SYL OO 75 SANO JIRSADAY
Taarikhda 07/05/2018
Taariikh waay soo noq noqotaa si ay uga faa’iideystaan
dhamaan dhallinyaradda soomaaliyeed oo ah jiilka maanta jira oo la filaayo in
ay hogaanka dalka hantaan, waxaan maanta si farax ay ku dheehan tahay dalka
gudihiisa iyo dibaddiisa ba loogu dabaal degeynaa sanad guuraddii 75aad ee
xisbiga S.Y.L.
Sidasi
darteed waxaa maanta ii faraxad
ah in aan halkani hambalyo iyo boogaadin ba uga soo gudbiyo dhamaan
shacabka weynaha soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah sannad
guuradii 75aad ee ka soo wareegtay xisbigii gobanima doonka
ahaa S.Y.L oo albaabada loo furay 15 May 1943,.waxaan ilaahay ugu
baryeenaa inuu u naxriisto geesiyaashii u shahiiday oo naftoodda iyo maalkooda
ba u soo huray xornimadda aynu maanta haysano, inta nool na waxaanu Eebbe ugu
rajayneynaa in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, isla markaaani waxaan
ummadda soomaaliyeedna ilaahay uga rayeynaya in uu ka dul qaado
colaada iyo abaaraha soo noqnoqday, waxaa na ilaahay
aanu ka baryeena inuu quluubta walaalaha soomaaliyeed burcad isku
mariyo si loo gaaro midnimo iyo horumar.
Runtii 13-kii
dhalinyaro ee SYL waxay shideen iftiinkii gobanimo doonka ahaa taasoo ku
dayasho muddan in ay ka iftiin qaataan dhallinta maanta jira, waxaana u suurta
gashay in ay ku guuleystaan ujeeddooyinkoodda ahayd in shacabka soomaaliyeed ay
ka saaraan gumeysiga, waxay na lahaayeen
aragti fog oo ah in maalin ay heli doonaa "Pan Somalism” soomaali weyn xor ah
oo mideysan.
Dhallinyaradaasi
ma aysan lahayn aqoon heer sare ah iyo dhaqaale ay dal iyo dad ba ku xorin
karaan lakiinse waxay ahaayeen dad aaminsan isla markaasi na ay ku weyn tahay
waddaniyadda una istaagay in ay dalk ka xoreeyaan gumeysiga, ugu dambeyntii na
ilaahay u suurta gelisay in shacabka soomaaliyeed ay gaarsiyaan xornimo taam
ah. Sidiisi darteed taariikhdu waxay qortaa qof alla qofkii dalkiisa iyo
dadkiisa ba wax tara kaasoo baal dahab ah ka gali doonaa oo sannad walba la
xusi doono sida aan sanad walba u xusno dhalinyaradii u soo halgamay naf iyo
maal na u huay xornimadda maanta aynu ku faano sidoo kale qof alla qofkii
qaadinul wadan ah ama dadkiisa iyo dalkiisa dambi ka gala wuxuu baal madow ka
gali doonaa cajaladda taariikhda socota.
Asaaskii Xisbig SYL
Haddii aan dib u milicsaddo halgankii
SYL ee konfurta soomaaliya oo bar bar socday halgankii gobanimo doonka SNL ee
waqooyiga soomaaliya, Waxaa xiligaasi dalalka Afrika ka jirtay naacoow
gobanima doon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya, dhallinyaradaasi is
urursatay waxa shirarkoodda ku qabsan jireen degmad xamar weyne via Roma waxayna
dhamaan isku waafaqeyn in marka hore in la sameeyo naadi ay ku
kulmaan dhallinta soomaaliyeed si aan loo tusin Ingriiska in naadigaasi uusan
ahayd mid siyaasi ah. Sidaasi darteed waxaa la sameeyey uruur ay ku kulman
dhallinyarada Soomaaliyeed oo la magac baxay SYC (Somali
Youth Club) kaasoo ahaa urur aan siyaasi ahayn goobtaa soo ay ku kulmi
jireen dhallinyaradda iyo wax garadka soomaliyeed, Xisbiga SYC muddo ka dib
wuxuu noqday uruur siyaasi ah oo la magac baxay SYL. waxaa na
dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii
Subaxdii 15.05.1943, xafiiskii Diinsiga
Ingiriiska, codsigii lagu dalbayey ruqsada Naadiga Dhallinyaradda
Soomaaliyeed S.Y.C waxaa Gudoonsiyey mudane Cabdulqadir Shiikh
Sakhaawodiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga, Diinsigii Ingiriisku markuu akhristay
codsiga wuu yiri” Waa idiin oggolaaday inaad Naadiga furataan, waayo annagu
waxaan nahay Dawlad Dimuqaraadi ah. Waxaanse idiinkaga digayaa inaad sameeysaan
wax allaale iyo wixii dhibaato u keeni kara amniga iyo xasillonida dalka marna
ma oggolin wixii danaha ingriiska dhibaato u keeni kara sidaasi ayaa lagu
oggolaaday Xisbiga S.Y.L"Somali Youth League”,. oo
si rasmi ah loo furay taariikhda kor ku xusan oo ay ku kulmeen
Aasaasayaashii Dhallinyaradda Soomaaliyeed ka kooban 13 dhallinyaro oo kala ah:
-
- Cqaadir Sheekh Saqaawadiin
- Max’ed Xirsi Nuur (Siidii)
- Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke
- Xaaji Maxamed Xuseein Maxamed
- Cismaan Geedi Raage
- Daahir Xaaji Cismaan
- Dheexe Xaaji Dheere Xuseein
- Maxamed Cali Nuur
- Cali Xasan Maslax
- Huudoow Macalin Cabdulle
- Xaaji Maxamed cabdullahi (Xayeesi)
- Maxamed Faarax Hilowle
- Maxamed Cismaan Baarbe
kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay
dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga uu leeyanhay shacabka soomaaliyeed,
iyaga oo aad u diidana siyaasadda gumeysiga oo ahayd "qaybi oo xukun”
dhallinyaraddaasi waxay si weyn xil isaga saareyn sidii shacabka soomaaliyeed
xornimo taam ah loo gaarsiin lahaa.
Xisbigaasi
wuxuu ku tallaabsaday guulo la taaban karo, isla markii ba wuxuu dastuurkiisa
ku soo bandhigay ama ku xusay dhibaatadda qabyaaladda ay u leedahay horumarka
iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed.
Qodobadaas
waxaa ka mid ahaa intaan ka xusuusto:
- In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo
madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
- In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal
maamulna la isugu keeno.
- In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu
dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo
madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed.
- In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato
farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
- In shacabka lagu baraarujiyo halganka
gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
- In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha
xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.
Kuwaas ayey ahaayeen qodobadii ugu muhimsanaa ee aan kor ku soo xusnay, qodobada haray waxay badi ku saabsanaayeen xeer-hoosaadka iyo maamulka Xisbiga. Qodobada la soo bandhigay dhammaan waa la isku wada waafaqay. Kulankii dhallinyaradda waxaa talooyin iyo fikradda wax ku ool ah ka soo jeediyeen dhallintii goobtaasi ku kulantay, waxayna dhamaantood isku waafaqeyn taladdii uu soo jeediyey muddane Yasiin Haji Osman taladaasoo ahayd in la doorto qofkii hogaamin lahaa xisbiga guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen wuxuu kale talo ahaan ku soo jeediyey muddan yaasin oo ahaa xubin firfircoon in labadaas jago ugu weyn xisibiga aan loo magacaabin xubno ka soo jeeda qabaa’ilka waaweeyn si looga hortago tartan iyo awood-sheegasho qabiil oo mustaqbalka burburisa himiladda xisbiga,arrintaasi oo loo arkayd in ay hakad gelin karta halganka iyo masiirka shacabka soomaaliyeed, iyadoo taladaasi la tixgalinayo waxaa la doortyay labadaan mudane:-
·
Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin –
Guddoomiye
·
Xaaji Maxamad Xuseen –
Guddoomiye-xigeen
Yaasiin Xaaji Cismaan isaga na waxaa loo doortay Xoghaye Guud ee Xisbiga
SYL. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ujeedada
siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo xisbiga. Waxaa sidaas loo
yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo
u gooni ah arrimaha bulshada iyo dhaqanka ku saabsan ah si looga gaashaanto
carqalad iyo tacaddi ka imaan kara ingariiska xaggiisa.
Xisbiga SYL markii ba waxaa caqabad ku noqotay ama ka horyimid qabiil iyo
qabyaalada oo looga baqay in ay hakiyaan horumarka iyo ujeeddooyinka fog ee
xisbiga hase durbaddii ba wuxuu bilaabay inuu olole naxriis daro ku
qaado qabyaaladda iyo kuwa qabiilka adeegsanaayo, taasoo si weyn uu ugu
guuleystay in qabyaaladda uu ka hor tago oo si tartiib tartiib ah u dagaalamo
taasi ayaana u suurta geliisay horumarka weyn ee xisbigu uu ku talaabsaday
iyo tacaddi ka imaan kara ingariska xaggiis, Xisbiga
Dhallinyaraddii horseedka xisbiga SYL
Waxaa halkani si gaar ah uga xusayaa dhallinyaraddii horseedka
xisbiga SYL oo doorka weyn ka qaatay la dagaalka qabyaayadda isla
markaasi na u xilsaanaa in ay ka hor tagaanoo aafaadda
qabyaaladda ay u leedahay sumcadda xisbiga waxaa
dhallinyaraddiisi horseedka ahaa xisbiga S.Y.L oo ay ka
mid ahaayeen:
- Adan Carte
- Adan Gurey
- Warsame Jooglaqe
- Osman Galay
- Maxamed Gaagaale
- Cabdikariim Beerweyne
- Warsame Joqof
- Yuusuf Ibraahim Aburas
Iyo kuwa kale oo aan xasuusanin
oo door weyn ka qaatay la dagaalanka qabyaaladda, kuwaasoo fahmay in qabiilku
caqabad uu ku yahay halganka ummadda soomaaliyeed. Waxayna guul la taaban karo
ay ka gaareen in ay soo af jaraan colaaddii dhex taalay walaalaha soomaaliyeed.
Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay waxaa ku soo biiray taageerayaal aad
u fara badan oo mutadawiciin ah waxaa cirka maray xisbiga magaciisa iyo maqalkiisa
uu ku lahaa shacabka soomaaliyeed.
Gobollada iyo degmooyinka waxaa
ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku codsanayaan in Xisbiga loo furo,
waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya.
Munaasabaddii sannad guuraddii
5aad ee Xisbiga SYL
Dhallinyarada aan kor ku soo
xusay oo ku kala baahsaneyd goboladda soomaaliyeed oo idil si ay u
barayrujiyaan dadweynaha ku nool gobaladaasi isla markasina ay ku wacyi
geliyaan waddaniyadda iyo midnimadda summadda soomaaliyeed oo gumeysiga
kala qaybiyey, dhallinyaradaa soo gacan weyn ka geystay inuu najaxo kormeerka
wafuudda SYL ay ku maraayeen 5ta soomaaliyeed, kormeerayaashaasi waxay
caddeyeen in dadweynaha soomaaliyeed meel kasta ba ha joogeen ay diyaar u
yihiin midnimada shacabka soomaaliyeed, waxay kale kormeerayaashaasi
warbixintoooda ay xuseen dhibaatooyinka hortaag halganka gobannimo doonka
soomaaliyeed ay tahay qabyaaladda oo ku abuurtay
bulshadda soomaaliyeed is naceeb iyo kala qaybsanaan sidaasi darteed
loo baahan yahay in laga hortago qabyaaladda waxaana arrinkaasi u xilsaanaa
dhallinyaraddii horseedka xisbiga SYL ,
Munaasabaddii sannad guuraddii
5aad ee aasaaskii xisbiga SYL, waxaa ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku
kala soo bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed, ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi
wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn "Pan Somalism”, lana wacyi geliyo
dadweynaha soomaaliyeed sidii loo helo midnimo soomaaliyeed oo loo tuso
wafuuddii ka imaaneysi United Nations. Haddii aan tusaale ahaan u soo
qaato kormeerkaasi waxa hogaaminaayey muddane Maxamed Axmed Otavio,
iyo muddane Axmed Allore iyo Mudane Ladane .
Dhallinyaradii Somali Signal
Squardro
Waxaa kale oo xusid muddan in
aan halkaani ka xuso dhallinyaraddii ka tirsaneyd Somali Signal Squadro oo door
weyn ka qaatay in ay kormeerayaasha ku guuleystaan kormeerkoodda maxaa yeelay
meel alla meeshii ay cagata dhigaanba waxaa taar ka hormari jiray dhallinyaraddii Somali
Signal Squardro, waxaa Dhallinyaradaasi Somali Signal Squardro ay
ka mid ahaayeen :-
- Cabdiraxmaan Alfaas
- Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
- Cabdulkadir Cali Bolay
- Cabdulkadir Qararac
- Cabdi Adan
- Cali Xirsi Jano gale
- Cali Food
- Adam Tasame
- Axmed Qamac
- Maxamed Raajis Maxamed
- Maxamed Ahmed Faarax (Xeerow Xaaji)
- Maxamed Al Casaami
- Axmed Maanac
- Axmed Xaaji
- Cali Yare Xilki
- Maxamed Xilki
- Ibraahim Baalay
- Xusseen Axmed Afrax Biif
- Dheere Maxamed Shariif
- Xasan Colow
- Cabdulqaadir Qararac
-
Leave a comment
HALGANKII XORNIMA DOONKA EE XISBIGII SYL OO 75 SANO JIRSADAY