
HALGANKII XORNIMA DOONKA EE XISBIGII SYL
HALGANKII XORNIMA DOONKA EE XISBIGII SYL OO 75 SANO
JIRSADAY
Taarikhda 15/05/2018
Taariikh
waay soo noq noqotaa si ay uga faa’iideystaan dhamaan dhallinyaradda
soomaaliyeed oo ah jiilka maanta jira oo la filaayo in ay hogaanka dalka
hantaan, waxaan maanta si farax ay ku dheehan tahay dalka gudihiisa iyo
dibaddiisa ba loogu dabaal degeynaa sanad guuraddii 75aad ee xisbiga S.Y.L.
Sidasi darteed waxaa maanta ii
faraxad ah in aan halkani hambalyo iyo boogaadin ba uga soo gudbiyo
dhamaan shacabka weynaha soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah
sannad guuradii 75aad ee ka soo wareegtay xisbigii gobanima doonka
ahaa S.Y.L oo albaabada loo furay 15 May 1943,.waxaan ilaahay ugu
baryeenaa inuu u naxriisto geesiyaashii u shahiiday oo naftoodda iyo maalkooda
ba u soo huray xornimadda aynu maanta haysano, inta nool na waxaanu Eebbe ugu
rajayneynaa in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, isla markaaani waxaan
ummadda soomaaliyeedna ilaahay uga rayeynaya in uu ka dul qaado
colaada iyo abaaraha soo noqnoqday, waxaa na ilaahay
aanu ka baryeena inuu quluubta walaalaha soomaaliyeed burcad isku
mariyo si loo gaaro midnimo iyo horumar.
Runtii 13-kii
dhalinyaro ee SYL waxay shideen iftiinkii gobanimo doonka ahaa taasoo ku
dayasho muddan in ay ka iftiin qaataan dhallinta maanta jira, waxaana u suurta
gashay in ay ku guuleystaan ujeeddooyinkoodda ahayd in shacabka soomaaliyeed ay
ka saaraan gumeysiga, waxay na lahaayeen
aragti fog oo ah in maalin ay heli doonaa "Pan Somalism” soomaali weyn xor ah
oo mideysan.
Dhallinyaradaasi ma
aysan lahayn aqoon heer sare ah iyo dhaqaale ay dal iyo dad ba ku xorin karaan
lakiinse waxay ahaayeen dad aaminsan isla markaasi na ay ku weyn tahay
waddaniyadda una istaagay in ay dalk ka xoreeyaan gumeysiga, ugu dambeyntii na
ilaahay u suurta gelisay in shacabka soomaaliyeed ay gaarsiyaan xornimo taam
ah. Sidiisi darteed taariikhdu waxay qortaa qof alla qofkii dalkiisa iyo
dadkiisa ba wax tara kaasoo baal dahab ah ka gali doonaa oo sannad walba la
xusi doono sida aan sanad walba u xusno dhalinyaradii u soo halgamay naf iyo
maal na u huay xornimadda maanta aynu ku faano sidoo kale qof alla qofkii
qaadinul wadan ah ama dadkiisa iyo dalkiisa dambi ka gala wuxuu baal madow ka
gali doonaa cajaladda taariikhda socota.
Asaaskii Xisbig SYL
Haddii aan dib u milicsaddo halgankii SYL ee konfurta soomaaliya oo bar
bar socday halgankii gobanimo doonka SNL ee waqooyiga soomaaliya, Waxaa
xiligaasi dalalka Afrika ka jirtay naacoow gobanima doon ah oo fanfiniinkeedu
soo gaaray Soomaaliya, dhallinyaradaasi is urursatay waxa shirarkoodda ku
qabsan jireen degmad xamar weyne via Roma waxayna dhamaan isku waafaqeyn in
marka hore in la sameeyo naadi ay ku kulmaan dhallinta soomaaliyeed
si aan loo tusin Ingriiska in naadigaasi uusan ahayd mid siyaasi ah. Sidaasi
darteed waxaa la sameeyey uruur ay ku kulman dhallinyarada Soomaaliyeed oo
la magac baxay SYC (Somali Youth Club) kaasoo ahaa urur aan
siyaasi ahayn goobtaa soo ay ku kulmi jireen dhallinyaradda iyo wax garadka
soomaliyeed, Xisbiga SYC muddo ka dib wuxuu noqday uruur siyaasi ah oo la
magac baxay SYL. waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd
15.05.1943kii
Subaxdii 15.05.1943, xafiiskii Diinsiga Ingiriiska, codsigii lagu
dalbayey ruqsada Naadiga Dhallinyaradda Soomaaliyeed S.Y.C waxaa
Gudoonsiyey mudane Cabdulqadir Shiikh Sakhaawodiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga,
Diinsigii Ingiriisku markuu akhristay codsiga wuu yiri” Waa idiin oggolaaday
inaad Naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay Dawlad Dimuqaraadi ah.
Waxaanse idiinkaga digayaa inaad sameeysaan wax allaale iyo wixii dhibaato u
keeni kara amniga iyo xasillonida dalka marna ma oggolin wixii danaha ingriiska
dhibaato u keeni kara sidaasi ayaa lagu oggolaaday Xisbiga S.Y.L"Somali
Youth League”,. oo si rasmi ah loo furay taariikhda
kor ku xusan oo ay ku kulmeen Aasaasayaashii Dhallinyaradda Soomaaliyeed ka
kooban 13 dhallinyaro oo kala ah: -
- Cqaadir
Sheekh Saqaawadiin
- Max’ed
Xirsi Nuur (Siidii)
- Yaasiin
Xaaji Cismaan Sharma’arke
- Xaaji
Maxamed Xuseein Maxamed
- Cismaan
Geedi Raage
- Daahir
Xaaji Cismaan
- Dheexe
Xaaji Dheere Xuseein
- Maxamed
Cali Nuur
- Cali
Xasan Maslax
- Huudoow
Macalin Cabdulle
- Xaaji
Maxamed cabdullahi (Xayeesi)
- Maxamed
Faarax Hilowle
- Maxamed
Cismaan Baarbe
kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda
gumeysiga uu leeyanhay shacabka soomaaliyeed, iyaga oo aad u diidana siyaasadda
gumeysiga oo ahayd "qaybi oo xukun” dhallinyaraddaasi waxay si weyn xil isaga
saareyn sidii shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah loo gaarsiin lahaa.
Xisbigaasi wuxuu ku tallaabsaday guulo la taaban karo, isla markii ba
wuxuu dastuurkiisa ku soo bandhigay ama ku xusay dhibaatadda qabyaaladda ay u
leedahay horumarka iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed.
Qodobadaas waxaa ka mid ahaa intaan ka xusuusto:
- In
loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda
Soomaaliyeed.
- In
shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
- In
xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada,
iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin
la’aanteed.
- In
af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo
fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
- In
shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
- In
la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin
qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.
Kuwaas ayey ahaayeen qodobadii ugu muhimsanaa ee aan kor ku soo xusnay, qodobada haray waxay badi ku saabsanaayeen xeer-hoosaadka iyo maamulka Xisbiga. Qodobada la soo bandhigay dhammaan waa la isku wada waafaqay. Kulankii dhallinyaradda waxaa talooyin iyo fikradda wax ku ool ah ka soo jeediyeen dhallintii goobtaasi ku kulantay, waxayna dhamaantood isku waafaqeyn taladdii uu soo jeediyey muddane Yasiin Haji Osman taladaasoo ahayd in la doorto qofkii hogaamin lahaa xisbiga guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen wuxuu kale talo ahaan ku soo jeediyey muddan yaasin oo ahaa xubin firfircoon in labadaas jago ugu weyn xisibiga aan loo magacaabin xubno ka soo jeeda qabaa’ilka waaweeyn si looga hortago tartan iyo awood-sheegasho qabiil oo mustaqbalka burburisa himiladda xisbiga,arrintaasi oo loo arkayd in ay hakad gelin karta halganka iyo masiirka shacabka soomaaliyeed, iyadoo taladaasi la tixgalinayo waxaa la doortyay labadaan mudane:-
- Cabdulqaadir
Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye
- Xaaji
Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen
Yaasiin Xaaji Cismaan isaga na waxaa loo doortay Xoghaye Guud ee Xisbiga SYL. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ujeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo xisbiga. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u gooni ah arrimaha bulshada iyo dhaqanka ku saabsan ah si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara ingariiska xaggiisa.
Xisbiga SYL markii ba waxaa caqabad ku noqotay ama ka horyimid qabiil iyo qabyaalada oo looga baqay in ay hakiyaan horumarka iyo ujeeddooyinka fog ee xisbiga hase durbaddii ba wuxuu bilaabay inuu olole naxriis daro ku qaado qabyaaladda iyo kuwa qabiilka adeegsanaayo, taasoo si weyn uu ugu guuleystay in qabyaaladda uu ka hor tago oo si tartiib tartiib ah u dagaalamo taasi ayaana u suurta geliisay horumarka weyn ee xisbigu uu ku talaabsaday
Dhallinyaraddii horseedka xisbiga SYL
Waxaa halkani si gaar ah uga xusayaa dhallinyaraddii horseedka xisbiga SYL oo doorka weyn ka qaatay la dagaalka qabyaayadda isla markaasi na u xilsaanaa in ay ka hor tagaanoo aafaadda qabyaaladda ay u leedahay sumcadda xisbiga waxaa dhallinyaraddiisi horseedka ahaa xisbiga S.Y.L oo ay ka mid ahaayeen:
- Adan
Carte
- Adan
Gurey
- Warsame
Jooglaqe
- Osman
Galay
- Maxamed
Gaagaale
- Cabdikariim
Beerweyne
- Warsame
Joqof
- Yuusuf
Ibraahim Aburas
Iyo kuwa kale oo aan xasuusanin oo door
weyn ka qaatay la dagaalanka qabyaaladda, kuwaasoo fahmay in qabiilku caqabad
uu ku yahay halganka ummadda soomaaliyeed. Waxayna guul la taaban karo ay ka
gaareen in ay soo af jaraan colaaddii dhex taalay walaalaha soomaaliyeed. Muddo
yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u fara
badan oo mutadawiciin ah waxaa cirka maray xisbiga magaciisa iyo maqalkiisa uu
ku lahaa shacabka soomaaliyeed.
Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka
yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku codsanayaan in Xisbiga loo furo,
waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya.
Munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee
Xisbiga SYL
Dhallinyarada aan kor ku soo xusay
oo ku kala baahsaneyd goboladda soomaaliyeed oo idil si ay u
barayrujiyaan dadweynaha ku nool gobaladaasi isla markasina ay ku wacyi
geliyaan waddaniyadda iyo midnimadda summadda soomaaliyeed oo gumeysiga
kala qaybiyey, dhallinyaradaa soo gacan weyn ka geystay inuu najaxo kormeerka
wafuudda SYL ay ku maraayeen 5ta soomaaliyeed, kormeerayaashaasi waxay
caddeyeen in dadweynaha soomaaliyeed meel kasta ba ha joogeen ay diyaar u
yihiin midnimada shacabka soomaaliyeed, waxay kale kormeerayaashaasi
warbixintoooda ay xuseen dhibaatooyinka hortaag halganka gobannimo doonka
soomaaliyeed ay tahay qabyaaladda oo ku abuurtay
bulshadda soomaaliyeed is naceeb iyo kala qaybsanaan sidaasi darteed
loo baahan yahay in laga hortago qabyaaladda waxaana arrinkaasi u xilsaanaa
dhallinyaraddii horseedka xisbiga SYL ,
Munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee
aasaaskii xisbiga SYL, waxaa ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo
bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed, ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi wuxuu ahaa
in la helo soomaali weyn "Pan Somalism”, lana wacyi geliyo dadweynaha
soomaaliyeed sidii loo helo midnimo soomaaliyeed oo loo tuso wafuuddii ka
imaaneysi United Nations. Haddii aan tusaale ahaan u soo qaato
kormeerkaasi waxa hogaaminaayey muddane Maxamed Axmed Otavio, iyo muddane
Axmed Allore iyo Mudane Ladane .
Dhallinyaradii Somali Signal Squardro
Waxaa kale oo xusid muddan in aan
halkaani ka xuso dhallinyaraddii ka tirsaneyd Somali Signal Squadro oo door
weyn ka qaatay in ay kormeerayaasha ku guuleystaan kormeerkoodda maxaa yeelay
meel alla meeshii ay cagata dhigaanba waxaa taar ka hormari jiray dhallinyaraddii Somali
Signal Squardro, waxaa Dhallinyaradaasi Somali Signal Squardro ay
ka mid ahaayeen :-
- Cabdiraxmaan
Alfaas
- Cabdirisaaq
Xaaji Xuseen
- Cabdulkadir
Cali Bolay
- Cabdulkadir
Qararac
- Cabdi
Adan
- Cali
Xirsi Jano gale
- Cali Food
- Adam
Tasame
- Axmed
Qamac
- Maxamed
Raajis Maxamed
- Maxamed
Ahmed Faarax (Xeerow Xaaji)
- Maxamed
Al Casaami
- Axmed
Maanac
- Axmed
Xaaji
- Cali
Yare Xilki
- Maxamed
Xilki
- Ibraahim
Baalay
- Xusseen
Axmed Afrax Biif
- Dheere
Maxamed Shariif
- Xasan
Colow
- Cabdulqaadir
Qararac
- Adan
Tasame
- Cabdi
Rabbo
- Xuseen
Ramadaan
- Saajiin
Maxamed Xassan Cabdow
- Saajin
Cabdullah Xuseen Bin Xuseen
- Saalax
Xuseen Bin Xuseen
- Omar
Xuseen Bin Xuseen
Waxaan ka cudur daaranaayaa haddii ay
ka tagay dadkii faraha badan oo aan halkani ku soo koobi kaarin maadaama
ay goboladda iyo degmooyinka dalka oo idil ay ku kala baahsanaayeen,
balse taariikhda ummaadda soomaaliyeed xusi doonto sidaasi darted
Kooxdan Somali signal squadron intaasi way ka badnaayeen
waxayna ka howl gali jireyn dhamaan goboladda soomaaliyadu ay degaan
gaar ahaan dhulka ogaadeyna oo loo yaqaano Haud Reserve Area
xiligaasi waxaa loo hanweynaa in la helo soomaali weyn oo mideysan
Gabdhahaii Horseedka Xisbiga SYL
Waxaa kale aan la ilaabi Karin doorkii
gabdhaha soomaaliyeed oo xiligaasi la oraqn jiray Sisters door weyn ayay
ka soo qaateen halgankii xornimadda, kuwaasoo naf iyo maalba u huray
sidii loo gaari lahaa xornimo, waxaa kamid ahaa Xaawo Osman Taako
oo lagu dilay albaabka Leegadda hortiisa iyo Timiro Cukaash oo ay ku dhashay xabsiga
gumeysiga dhexdiisa iyo kuwa kale oo aan xasuus ku soo koobi Karin.
Gabdhahaasi waxaa ka mid ahaa:-
- Xalima
Kulmiye
Xamar
- Xalima
Soofe
Xamar
- Xaawi
Osman
Taako Xamar
- Raaxo
Ayaanle
Xamar
- Faduma
Xaashi
Baydhaba
- Timiro
Cukaash
Kismaayo
Munaasabaadaasi oo lagu xusaayey sanad guuraddii 5aad ee xisbiga SYLwaxaa heeso
wadani ah ka soo jeediyey Abwaankii weynaa Qasim Hilowle (Iskiifo) ,
heesahaasi oo shacuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed oo ka
soo qayb galay munaasabaddaasi , heesahaasi waxaa ka mid ahaa :-
- Soomaaliyey
qabiil qabiilka daaya , soomaaliyeed qabiil qaran ma dhiso
- Soomaaliyey
toosooy toosooy isku tiirsanayey , hadba kii taag daraney taageera
weligiina .
- Soaomaaliyey
daaya kani waa ugaas , kani waa suldaan , kani waa islaw, kani waa malaaq
.. waa inaad ilawdaanee!!!!
Heesahaasi waxay wax weyn ka tareen kordhinta wacyiga shacbiga
soomaaliyeed taasoo ay ku beertay wadaniyadda, oo ay shacabka fahmeyn qiimaha
ay leedahay waddaniyadda.
Dagaalkii labaad ee adduun markii uu
dhamaaday ayaa arrinta Soomaaliya la hordhigay jamciyadda qaramada midboobay ka
dhaxeysa, shirkaasi oo ay ka soo qayb galeyn wadamadii ku guuleystay dagaalkii
labaad ee adduunka oo uu hogaaminaayey dawladda Mareykanka, waxaana shirkaasi
cod buuxa la isku waafay in soomaaliya wisaayada ay noqoto, hase
yeeshee dawladda Faransiiska ayaa arriintaasi wisaayadda si xoog leh
uga biyo diiday. Sidaasi darteed wuxuu shirkii ku dhammaaday fashil
iyo guuldaro kaddib markii ay dawladihii ku heshiin waayeen siyaasadahooda ku
wajahan Soomaaliya.
Bishii Oktoober 1947kii mar kale ayaa
arrinaha soomaaliya la hor geeyey xoghayayaasha guud ee wassirada arrimaha
dibadde ee dalalkii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka dood fara badan
ka dib waxaa la isku waafaqay in Soomaaliya loo diro guddi xaqiiqa raadin ah oo
soo oddorasa isla markaasina warbixin ku saabsan rabitaanka shacabka
Soomaaliyeed in ay diyaar u yihiin gobannimo iyo in kale.
Baaqii Odayaasha Dhaqameedka Waqooyiga
Soomaaliya
Waxaa xusid muddan Odayaasha
waqooyi iyaga oo ka shaqeynaaya mideynta soomaaliya waxay markii ay
taariikh ahayd 17/07/1947kii baaq qoraal ah u direen xafiiska {The
war Office – London}taasoo loo mariyey maamulkii gumeysiga xiligaasi
ka talin jiray gobolada waqooyi. Baaqaasi oo ay u dhamaayeen
suldhaanada, caaqiladda, odayaasha dhaqameedka iyo waxgaradka dadka reer Somaliland kuwaasoo
kala ah :-
- Suldaan
Maxamed Cali Shire
- Su
HALGANKII XORNIMA DOONKA EE XISBIGII SYL