Sanad Guuraddii 58aad Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed July 1, 2018
Sanad
Guuraddii 58aad Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed
July 1, 2018
----------
Sida la wada
ogsoon yahay maanta oo ah maalin weyn kuna beegan 58 guuraddii
qaranimadda soomaaliyeed, June 26,
1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii goboladda koonfur ahna maalinta israaca
labada gobol.
Waxaa xusid
mudan maanta oo ah maalin weyn oo taariikhi ah qiimo iyo qadarin
ba ugu fadhido ummadda soomaalyeed meel kasta oo ay joogaan, waa laba
munaasabadood oo waa weyn oo aan marna la ilaabi Karin.
Waxaan halkaani
hambalyo uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan
guddaha iyo dibadda, waxaan leeyahay waa maalin weyn, waa maalintii xorniyada ,
runtii waa maalin weyn oo aan la ilaabi Karin oo ku weyn quluubta
shacabka soomaaliyeed, waa maalintii calankeyna la taagay kii gumeysigana la
siibay waa na maalintii gunnimadda aynu ka baxnay, waa maalintii geerida
ka doornay gunimo iyo gumeysi.
Faraxaddaasi weyn
waxaa gabaykii qiimaha badanaa ka soo jeediyey abwaan Cabdulllahi Suldan
Timacadde habeenkii calan saara oo markii ugu horaysay laga qotomiyey gobolka
waqooyi eryaddii qiimaha badanaa oo halkaasi uu ka soo jeediyay waxaa ka mid
ahaa, "SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW, AAN
SIDUU YAHAY EEGNO E KANA SIIB KANA SAAR” oo ula jeedey in calankii
gumaystaha meesha laga siibo isla markaasi la taago calankeykii buluuga oo
dhexda kaga taalay xidigta cad ee shanta gees leh, runtii farxadda halkaasi ka
dhacday lama soo koobi karo balse waxaa dareemi karaa xiligaasi qofkii goob
joog u ahaa.
Shacabka
soomaaliyeed wuxuu u han weynaa in maalin maalmaha ka mid ah uu arko soomaali
weyn oo mideysan hase yeeshee waxaa nasiib daro ah muddo
dheer ka dib halgankii iyo hilimiladdii shacabka waxay isku bedeshay in
Jamahuuriyaddii Soomaaliyeed ay u kala baxaan 5 qayb oo lagu magac daraday "Lands”
waa nasiib daro oo aan marna dadweynaha soomaaliyed usan fileynin
arrinkaasi waxa ay meel ka dhac ku tacay halgankii xorniamdda waa arrin murugo
leh laakiinse faraxa gelineysa cadowga ummadda soomaaliyeed.
Arrimaha aan kor
ku soo xusay oo ah kala goboleysiga iyo taga shacabka soomaaliyeed waxay ahayd
siyaasaddii gumeysiga uu ka tagay "Ayax
tag eela na reeb” qorshihii gumeysgia dajiyey muddo dheer ka dib maanta
ayay u suurta gashay markii uu helay kuwa aan damiir lahayn oo soomaalinimadda
qiimo ugu fadhinin balse halis ku ah in ay ciida soomaaliyeed gacanta u
geliyaan gumeysiga Burburka iyo kala taga maanta dalka ka jira waxay
salka ay ku haysaa barnaamijkii gumeysiga balse waxaa ayaan
daro ah in gacamaha dadweynaha soomaaliyeed lagu fuliyey burburka iyo
kala taga maanta dalka uu ku sugan yahay hase yeeshee waxan ilalahay ka
rajayneynaa inta ay jiraan damiiir soomaaliyeed oo aaminsan waddaniyadda
qiimaha uu leeyahay in ay dib u soo noqoto hilimadii iyo halganii dhallinyaadda
soomaaliyeed SYL oo ahaa in la helo Soomaali weyn"Pan Somalism” oo mideysan
Waxaan dhab ah in
xornimadda maanta aynu haysano waxay ku timid dhiigii dadweynaha soomaaliyeed
oo naf iyo maalba u huray taasoo aan si na lagu ilaabi Karin {Gobanimaddu: waa geed har weyn oo ku
baxa dhiiga dadweynaha} , xorinimadau waa qaali ma ah mid ku
timid si fudud balse waxaa loo hibeeyey geesiyaddii dalka oo u daadiyey
dhiigood qaaliga ah waxaan runtii gobanimaddu waxaa lagu gaaray halgan adag,
wadajir, daacadnimo, isku kalsooni iyo midnimo wadaniyad xambaarsn sidaasi
darteed waxaa dhallinta soomaaliyeed laga filayaa in aysan marnau
ogolaanin in ciidooda iyo calankoodda loo hibeeyo cadawga soo jireenka ummadda
soomaaliyeed. Soomaali weyn waxaan ka digayaa damaca gumeysiga cusub iyo kuwa
kaba qaadka u ah waxay mar walba isku dayaan in shacab soomaaliyeed ay kala
qayb qaybiyaan iyagoo oo fushanaaya danahoodda gaar ah isla markaasina waxay
mar waliba ka shaqeynayaan in ay soomaaliya ay dib dambe ugu soo noqonin
midnimaddii iyo awooddii ay shalay lahayd taasoo lagu tilmaami jiray
Libaaxyaddii Geeska Afrika.
"Midnimado
waa awood kala tagu na waa burbur” Soomaaliyeey ha laga fiiraddo Nidaamka cusub
Federal systmen of government oo shacabka soomaaliyeed sanka laga
geliyey iyadoo aan afti loo qaadin aqoon ku filan na aysan u lahayn ummadd
soomaaliyeed nidaamkaasi goboleysiga qaab dhaqmeydkiisu uusan weli diyaar
ahayn, runtii waa arrin ka fiirsasho muddan maxaa yeelay talo aan la ruugin waa
lagu rafaaddaa ee soomaaliyeed arrintaani indho fara badan ha loo yeesho.
1da Luuliyo waa
maalin xusuus weyn ku leh dhamaan ummadda soomaaliyeed runtii xornimadda
ummadda soomaaliyeed si sahlan kuma imaanin balse halgan adag ayaa loo soo
galay oo naf iyo maal ba loo huray, taasoo dad badan ayaa
dhiigooda ugu hibeeyey sidii loo gaari lahaa xornimo taam ah . Sidaasi
darteed halyeeyadaasi naf iyo maal ba u huray sharafta maanta aynu
haysano waxay naga mudan yihiin in aan xusno isla markaasi na aan u
duceyno inuu janaddii firdoosa ahay Eebbe ka waraabiyo .
Xisbigii SYL
koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta
xornimada maanta aynu ku faano, shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay
soo raacaan walaalahood konfureed, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay
hamineysay ama ay ka shaqeyn jirtay midniamda soomaali weyn , taasi waxaa
daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka
codsadeen in soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad codsi kale ay u
jeediyeen ingriiska iyagoo ku adkeynaayey in soomaali mideysan la helo oo
ingriiska hogaanka u qabto isla markaasi na gaarsiiyaan xornimo taam ah oo ka
kooban soomaali weyn, qoraalkii Uurdoox u gudbieyey uu ku sheegay in 90%
ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo
mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta
badan ee qeyba soomaaliya, taasoo ahayd himilada shacabka soomaaliyeed
Haddii aan si
kooban u dul maro taariikhda 1Luuliyooo ah maalin weyn oo aan lagu soo koobi Karin qoraalkaani laakiinse
waxaan jacalahay in aan waxa yar ka xuso.
Bishii September 1949kii Qaramada Midoobey shirweynii ay
yeesheen waxay go’aan sadeen in soomaaliya loo dhiibo maamulkeedii Dawladda
Talyaaniga iyadoo 4tii dawladood oo ah kuwii ku guuleystay
dagaalkii labaad ee adduunka ay u ahaan doonaan la talinta maamulka muddo
10 sano ah in soomaaliya la gaarsiiyo xornimo .
1dii April 1950kii Taliyaniga wuu ingriska kala wareegay Mamulki
dalka Soomaliya.
12kii Oktobar 1954tii waxaa la gudoonsaday in Dalka loo sameeyo
calan,kaasoo noociisa ah blug oo dhexda kaga taal xidig cad oo shan geesoo ah,
taasoo macnaheeduna yahay shanta SOOMAALIYEED oo 1884tii shirweynihii Berlin
lagu qaybsaday soomaaliya
1954-1958dii waxaa la qabtay dorashooyinkii golayaasha degaannada
dalka oo dhan waxaa kaloo la abuuray golaha sharci dejinta.
29kii April 1956dii waxaa la qabtay doorashooyinkii
siiyasadda lagu na soo doortay dalka oo dhan. Golahaasi wuxuu ka goonaa 70
kursi. 60 ka mid ah waxaa loo qeybiyey xisbiyadii tartamaysay , SYL waxay
heshay 43 kursi , Xisbiya na 13 kursi , 10 kursina waxaa loo qeybiyey ajaanibta
dalka ku noolaa , (a) Talyaani 4 kursi (b) Carabta 4 kursi (c) Pakistan 1 kursi
(d) Hindi 1 kursi , Xisbiga Dimoqaradiga 3 kursi iyo Xisbiga Midowga M 1 kursi
. Golahaasi oo ahaa kii golaha shacabka ee la soo doortay waxaa guddoomiye ka
noqday Mudane Aadan Cabdulle Cismaan .
7dii Maajo 1956dii SYL waxaa loo xilsaaray inay soo magacawdo
Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal wasaarihii ugu horeyna waxaa loo soo magacaabay
mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo soo dhisay dawlad ka kooba Ra’iisal wasaare
iyo 5 wasiir
1959kii CABDULAHI CIISE uu soo dhisay dawlad ka kooban Ra’iisal
Wasaare iyo 10 wasiir .
12 April 1960kii waxaa la dhisay ciidan xooga dalka soomaaliyeed oo
uu hogaaminaayay Allaha ha u naxriistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi,
khudbadii ugu horeysay ee uu soo jeediyey Allaha ha u naxriistee wuxuu yiri,
" Maanta waxaa la aasaasay Ciidankii dalka daafi lahaa haddii cadaw ku soo
gardarooda ama ku soo duulo
1da Luuliyo 1960kii oo ahayd maalintii xornimada iyo isku darkii
koonfur iyo waqooyi. Golahii barlamaanka na wuxuu ka koobnaa 123 xubnood,
koonfur waxay lahayd 90 xubnood waqooyina 33 xubnood .
Shirkii ugu horeyey ee barlamaanka uu qabto waxaa ka soo qeyb galay 115 xubnood
inta kale na way ka maqnaayeen , shirkaasi na waxaa si buuxda lagu doortay
madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho wuxuu ahaa , Allaha ha u naxriistee
Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana Ra’iisal Wasaare u noqday Allaha ha u
naxriistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke .
Sannadkii 1964tii waxaa na dawladii labaad dib u soo dhisay Mudane
Cabdirisaaq Xaaji Xusein .
Bishii June 1967dii waxaa madaxweyne loo doortay Muddane
Cabdirashiid Cali Sharma'arke, oo soo magacaabay 15kii Luuliyo Ra’iisal Wasaare
Allaha ha u naxriistee Mudane Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dawladii seddexaad
.
Nasiib daro waxaa noqotay in 15kii Oktoober 1969kii lagu dilay magaalada Laas
caanood madaxweynihii dalka Muddan Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku
maraayey goboladda waqooyi .
Dilkaasi ka dib 21kii Oktoobar 1969kii waxaa dalka qabsaday ciidanka {Golaha
Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed}oo uu hogaaminaayey Allaha ha u naxriistee
Maxamed Siyaad Bare.
Sannadkii 1976dii waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Hantiwadaag
Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party) ,muddo 21
sanadood ah ayaa dalka gacanta ku hayay xukun Military ah oo aaminsanaa
hantiwadaaga cilmiga ku dhisan .
26kii Janaayo
1991kii oo
ahayd maalintii ay dhacday maamulkii Militariga oo u hogaaminaayey Mahamed
Siyaad Barre, ilaa iyo maanta weli waxaa la la’yahay dawlad awood
badan oo dalka oo idil maamuli karta. Markii ay dawladdi dhexe ay halkaasi ka
baxay shacabka soomaaliyeed waxaa ku habsaday musiibo oo ilaa iyo manta aysan
weli si rasmi ah uga soo kabsanin xanuunkii faraha badnaa ee ay soo martay
waxaan dawladda maanta jirta ka fileynaa in ay dib u hanato haybaddii iyo
sharaftii Soomaaliya ay adduun weynaha ku lahayd
Haddaba waxaa loo
baahan yahay in ummadda soomaaliyeed in ay xil adaga iska saaraan sidii looga
hortagi lahaa qorshooyinka foosha xun gumeysiga cusub la damacsan yahay
dhulka soomaaliyeed inuu kala jar jaro oo maanta indhaha dadweynaha
soomaaliyeed aan ka qarsooneen , sidaasi darted dhallinyaradda maanta jirta
waxaa looga baahan yahay in ay go’aan adag qaataan isla markaasi na ay
oggaadaan inuu xil ka saran yahay samata bixinta dalka iyo dadka soomaaliyeed
oo ay ka hortagaan damac gumeysiga cusub oo ah in ay boobaan badda weynta
soomaaliyeed iyo khayraadka dhax jiifa isla markaasi aysan oggoleyn in
soomaaliyeed ay dib cagaheedda isku istaagto oo la helo dawladda awood badan oo
hogaanka u qabsata kana difaacadda dalka iyo dadka soomaaliyeed cidii ku soo
xad gudubta ,”soomaaliyeey toos oo hurdad ka kac sidii dalka looga
badbaadiyo damaca gumeysiga, ugu dambeystii waxaan halkani baaq ugu soo
jeedinayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed in ay midnimaddii iyo haybaddii
qaranka soomaaliyeed in ay soo celiyaan,
Abdulkadir Ali Bolay
Email: bollay@hotmail.com
Sanad Guuraddii 58aad Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed July 1, 2018