Nabad iyo Iscafin ayaa horumar lagu gaari karaa

0
Monday February 03, 2020 - 16:56:06 in Sawirada isbedbedelaya by Xisbiga Tiir
  • Visits: 6488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nabad iyo Iscafin ayaa horumar lagu gaari karaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad iyo Iscafin ayaa horumar lagu gaari karaa


-----------
Dadka iyo dalka soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay #badbaado, maxaa yeelay haddii ay musiibo dhacdo ama dab kaco waxaa loo baahan yahay in si deg deg ah oo #wadajir ah loo waajaho dhibaataddasi dhacday sidii looga hortagi lahaa ama loo dami lahaa, sidaasi darteed mar badan ayaa la isku dayay in la qabto shir dib u #heshiisiin ah, laakiinse aan lagu #guuleysanin ama #natiijooyin la taaban karo aan laga gaarin, runtii sababtuna waxay ahayd in aan la helin is #cafin guud waa lama huraan in la helo is cafin taasi ayayna ku imaan kartaa dib u heshiisiin #dhab ah.
Waa la qabtaa #Shir weyne guud ee sannad waliba lagu qabto magaaladda #XAMAR oo ay ka soo qayb galan Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Dawalda waa in sannad walba dad aqoon yahaano u xil saarto in ay abaabulaan #shirkaas ,taasoo aan u arko in laga heli karo faa’iiddooyin looga bixi karo dhibaatadda maanta uu dalka ku sugan yahay oo ay ugu horeyso #nabadgalyo xumidda isla markaana dalka lagu soo celin karo nabadgalyo iyo xasiloni .
Shirkaasi oo looga hadlaayo si loo heli lahaa Nabad iyo Is cafin " #Peace and #forgiveness” ujeedda ugu weyn ee shirkaasi wuxuu noqonayaa xal waaro looga gaaro colaada muddada dheer ee dalka jirtay, taasoo ku imaan karta wada hadal iyo iscafin guud
Intiii shirka socdo qof walba wuxuu soo bandhigi kara sidii loo xalin lahaa ama wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkii dhex yaalay Umadda; haddii aan tusaale u soo qaadno dowladda South Africa sidii ay ugu guuleystaan dhibaatooyinkii ka dhexeeyey dadkii #cadaanka ahaa oo muddoo dheer cadaawad dhex taaalay iyo sida ay manta uga gudbeen habkii midab #takooda oo maanta tusaale la taaban karo u noqon karta waddamada maanta ka dhex aloosan sida dalkana soomaaliya iyo Sudaan , Congo .
South Africa waxay ku xaliyeen dhibaatooyinkaasi iscafin dhab ah oo uu bilaabay halyeeyge abba Africa ee Nelsan Mandela oo 27 #sannaddood xabsi oo xaq daro ah ku jiray gacanta gumeysiga ee midab takoodka ah oo ay ku maamuli jiraan dalka Suth Africa.
Nelson Mandela markii la doortay Madaxweynaha dalkiisa isla markii ba wuxuu soo bandhigay fikrad ah in la #iscafiyo oo la ilaabo wixii horay u dhacay , dalkana lagu soo dabaalo nabadgalyo iyo democracy taasoo lagu gaaray guusha maanta suouth afrika gaartay.
#Guulahaasi waxaa salka ay ku heysay is #cafintii la iscafiyey ka dib markii ay kuwii #dambiga galay ay #qirteen wiixii dambe ah oo ay ka galeen shacabka modow ee ku nool south Africa runtii dadkii dambiga laga galay waxay ku qanceen #cudurdaarkaasi ay soo jeediyeen sidaasi ayaan la isku gacan qaaday cadaan iyo modowba waxaana lagu balamay in laga shaqeeyo sidii dalka loo horumarin lahaa.
Sidoo kale dalka #Liberia habkii ay ku xaliyeen dhibaatooyinkooda oo maanta #doorasho xalaal ah ay ka dhaceen dalkaasi taasoo ay mujineyso in laga gudbay dagaaladdii sokeeyey oo ka dhex aloosnaa dalkaasi, tassina waxay keenay dadkii oo u #bislaaday inay helaan dowladda loo wada dhan yahay si dalka ugaaro horumar iyo nabdagalyo waarta .
xalka soomaaliyeed uu ku jiro gacanta #shacabka soomaaliyeed ,taasoo loo baahan yahay in la iska ilaabow wixii shalay dhacay oo maanta laga tashto mustaqbalka #berito sidii dalka iyo dadka loo hormarin lahaa iyo in la helo iscafin dhab ah oo aan gadaal loo gocanin fool xumaddii shalay dhacday , is la markaasina laga gudbo hab qabiilka oo loo gudbo hab qaranimo , taasoo lagu gaari karo nabadgalyo iyo horumar.

waxaa haboon in dawladda ay xoogeedda isugu geyso sidiii ay u abuuri lahayd shaqooyin oo ay ka faa’iideystaan shacabka soomaaliyeed oo idil., isla markaasina waxaa loo baahan yahay in loo soo #tafa xeyto sidii loo horumarin lahaa ama dib loogu dhisi lahaa #dalkeenii oo ay aafeysay dagaalo #sokeeye oo baahi weyn u qab sidii dib loogu dhisilahaa, taasina waxay ku xirin tahay in marka hore nabad galyaddii dib oo soo hanto oo la joojo fikradaha #xag jirka iyo tahriibayaasha faraha badan

waxaana filayaa in dib u #hashiisiin dhab ah la gaari karo marka la helo in la #iscafin dhab ah oo aan dib loo eegin dhibaatooyinka dalka ka dhacay oo laga fikaro mustaqbalka berito sidii loo hormarin lahaa dadka iyo dalka.
#Peace and #forgiveness”- #Nabad iyo #iscafin
--
Xisbiga Cadaaladda Iyo Midnimadda - TIIR

Twitter:@Xisbigatiir
Web www.xisbigatiir.so
Email: Info@xisbigatiir.so
Xisbigatiir.so@gmail.com
tel: tel:002526-13194074
Office:642659
Tel:0025261-2777726
#TASHI_TACLIIN_TACAB



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip