Ka mid noqo XISBIGA TIIR

0
Friday December 20, 2024 - 13:47:45 in Wararka Xisbiga by Xisbiga Tiir
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka mid noqo XISBIGA TIIR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus



HA U DEYMO LA’AAN INAAD XUBIN KA NOQOTO BAD-BAADIYAHA UMMADDA SOOMAALIYEED.
Rajo badan ayaa muuqanaysa, isbadalo siyaasadeed ayaa soconaya, hab dhaqankii ku saleysnaa afkaarta Qabiilka ayaa laga gudbayaa, xilligii xisbiyada ayaa la soo gaarey, hanaan cusub oo ku dhisan habka xisbiyo badan ayaa loo dhaqaaqay, Miyi iyo Magaalo si diiran ayaa looga soo dhaweeyay taaba galka asxaabta siyaasadeed ee Soomaaliya.
Xisbiyada Soomaaliya ka hana qaaday waxaa kow ka ah Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimadda Soomaaliyeed {TIIR}, Farxad, iyo reyn-reyn ayaa lagu soo dhaweeyay dhalashadii Xisbigaasi, Ku dayasho, laab lakac iyo fudeyd midna kuma imaanin hase yeeshee wuxuu ku yimid baahida ay bulshadiisu u qabto sidii loo heli lahaa xisbi uu hadafkiisu yahay daacadnimo, sinnaan, caddaalad, midnimo, cad-cadaan, waxqabad iyo hiigsiga horumar dhan kasta ah.
Mabda’ ahaan TIIR wuxuu rumeysan yahay in la dhiso ummad ka madax bannaan Qabyaalad, musuq-maasuq, colaad, cabsi, iyo dib u dhac, iyadoo taas badalkeeda loo hawl galayo hanaankii ay dadku ugu noolaan nabad, xornimo, amni sugan iyo horukac.
Xisbiga TIIR ma aha xisbi u xeran dad gaar ah, mana aha mid Boorso lagu sito, ummadda oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa, muwaadin kasta waa u furan yahay, haatan waxaa xarunta xisbigaasi ee Magaalada Muqdisho ka socda is diiwaan galinta xisbigaasi, gacmo furan ayaa lagu soo dhaweynaya ruux walba oo xiisaynaya inuu ku soo biiro Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimadda Soomaaliyeed {TIIR}.
Muwaadin kasta waa u sharaf inuu ka mid ahaato xubnaha xisbiga Tiir, Boqollaal isugu jira siyaasiyiin, aqoonayhano, qurba joog, saxafiyiin, ganacsato, madax dhaqameed, haween iyo dhallinyaro ayaa horey isaga diiwaan galiyay xisbigaasi, foomam loogu tala galay dadka doonayo inay ka mid noqdaan xisbigaasi ayaa loo diyaariyay, Wallaal haddii aad xiiseynayso xisbi la wada leeyahay ku soo dhawoow xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada Soomaaliya, Adigaa leh, Anigaa leh, Annagga oo dhan ayaa leh.
Haddaba muwaadin ha u deymo la’aan inaad xubin ka noqtid bad-baadiyaha ummadda Soomaaliyeed, fadlan gaar oo iska diiwaan gali haddba xarunta ama xafiiska kuugu dhaw ee xisbigu leeyahay.
Mahad badan
====
Twitter:@Xisbigatiir
Email: Info@xisbigatiir.so
Xisbigatiir.so@gmail.com
Tel: +252 61 3194074



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip