Xisbiga Cadaalada & Midnimadda oo la aasaasay

0
Tuesday January 09, 2018 - 06:37:24 in Wararka Xisbiga by Super Admin
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Cadaalada & Midnimadda oo la aasaasay

    Shirar is daba joog ah oo ku qabsoomay meelo kala duwan, wada tashiyo qoto dheer, gorfeyn iyo falanqeyn socotay mudo saddex sanno ah kuwaas ay lahaayeen aqoonyahano, Siyaasiyiin, indheer-garad, Culima-awdiin, Haween, Dhalinyaro iyo Waxgaradka kala du

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirar is daba joog ah oo ku qabsoomay meelo kala duwan, wada tashiyo qoto dheer, gorfeyn iyo falanqeyn socotay mudo saddex sanno ah kuwaas ay lahaayeen aqoonyahano, Siyaasiyiin, indheer-garad, Culima-awdiin, Haween, Dhalinyaro iyo Waxgaradka kala duwan oo ka socday dhammaan umadda Soomaaliyeed loogana arrinsanayay aasaaska xisbi siyaasadeed ku dhisan xoriyad iyo Cadaalad oo ay ku mideeysanyihiin dhammaan Bulshada Soomaaliyeed.
Doodahaas iyo falanqayntaas dheer kadib waxaa laysla gartay in la yagleelo Xisbi horseedi karo midnimo, cadaalad, sinaan, xoojiyana wadajir umada soomaaliyeed iyo nabad kuwada noolashahooda oo ku dhisan mabaadi’da Islaamka, dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Soomaalida, kana hufan eex, caburin, cadaalad darro, qabyaalad, quursi iyo wadaniyad xumo, kana saari karo umadda Soomaaliyeed jahawareerka siyaasadeed, dhaqaala xumida, faqriga iyo daryeel la’aanta ladegtaylaguna badbaadiyo jiritaanka midnimada umada Soomaaliyeed ee.


Madashu waxay astaysay in dhibaatada soomaaliya ay gun u tahay cadaalad darro waddada kaliya ee lagu samata bixin karana ay tahay in la helo xoriyad, cadaalad, dib uheshiisiin lahubiyey, wadaniyad iyo hufnaan.

Haddaba marki la xeeriyay arrimahaas, la garwaaqsaday baahida loo qabo samaynta xisbiga tilmaamahaas leh, la tixgeliyay Qod47 iyo 22(1/b) ee Dastuurka KMG, waxaa la go’aamiyay maanta ay taariikhdu tahay 26Juun 2014 Dhisidda Xisbiga Cadaaladda iyo Midnimadda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip