MUNAASABADDA SOO BANDHIGIDDA BARNAAMIJKA SIYAASIGA AH EE XISBIGA TIIR
Xikmadda Maanta
Himiladda Xisbiga
- Dhowrista madaxbanaanida iyo siyaadada Dalka Soomaaliyeed.
- Dhiiri gelinta siyaasad dhex-dhaxaadka ku dhisan, sare u qaadidda soomaalinimada iyo islaamnimada.
- Abuuridda mabda’a sareeynta shacabka ayagoo waakiilanaya Dowlad Dimuquraadi cadaalad iyo xaqiijinta sinaan ka dhaxeeysa muwaadiniinta, gobcinta garaadka dhalinyarada si loo helo bulsho xadaarad leh oo u taagan ka shaqeeynta aayaheeda.
- Horumarinta bulshada dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
- Ciribtirka musuqmaasuqa, madiidsiga iyo dagaalka qabyaaladda ee laga soo miinguuriyay casrul-jaahiliga si loo helo bulsho ilbax ah iyo dowladda cadaaladda bulshada u adeegto.
Hiigsiga Xisbiga
- Wuxuu hiigsanayaa Mabda’a ku dhisan cadaalad, waxaana astaan u ah Nabad iyo Cadaalad ayaa lagu nagaadaa, ayaga ayaana baraare iyo barwaaqa horseeda.
- Wuxuu doonayaa in la helo Dastuur dhamaystiran ku yimid rabitaanka Dadka Soomaaliyeed saldhiggiisu yahay Islaam, lahaasnhiyahiisana Soomaali.
- Wuxuu tixgelinayaa wada noolaashiyaha, is-xaqdhowrka, daris wanaagga, is-caawinta iyo ka shaqeeynta cadaaladda Bulshada.
- Wuxuu ixtiraamayaa, dhowrayaa Nidaamka Dowliga ah, sinaanta sharciga, xuquuqda Aadanaha, hanaan ku qotoma isla xisaabtan iyo ilaalinta shuruucda dalka.
- Wuxuu u taaganyahay midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, nabadgelyada guud iyo hurumarka.
- Wuxuu diidan yahay eexda, qabyaaladda, kala dhantaalka Umadda Soomaaliyeed.
- Wuxuu qadarinayaa Wadamada Dariska ah iyo dhammaan Beesha Caalamka, wuxuu xurmaynayaa shuruucda Caalamiga ah, sidoo kale Mabaadi’da Ururada Caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Ururka Jaamacada Carabta, Ururka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Wadama Islaamka iyo Urur Goboleedka IGAD.